Hargeysa(ANN) Shebekadda caalamiga ah ee Msn ayaa lagu soo bandhigay muqaal sawiro Kooxda Al-shabaab ee dagaalada ka wada Somalia iyo kooxda kale ee Daalibaan oo iyaguna dagaal ka dhan ah reer galbeedka iyo maamulka ay ka sameeyeen Afgaanistaan kaga jira dalkaa.

 

 

Muuqaalada sawirada   oo ah kuwo u muuqda xayaysiis ayaa ah laba kooxood oo saaran gaadiidka yar yare e nooca loo yaqaan TOYOTA Hilux oo ay  ku rakiban  yahiin qoryaha  dhuumaha ee dhinaca cirka loo adeegsan jiray wixii ka horeeyay dagaalkii Somalia iyo Ethiopia ee 1977 , balse ay caanka ku noqdeen dagaalyahankii SNM ee ka takhalusay dawladii digtaytarka ahayd ee Somalia sagaashanaadkii.  Muuqaalka sawirka ee kooxda Al-shabaab ee lagu shaaciyay shebekadda caanka ah ee msn, waxa ka muuqda raxan ka mid ah Al-shabaab  oo ku gaashaaman qorayaha fudud ee AK-47, isla markaana ku lebisan Tuutaha Milaterigii Somalia xiligii dawladii Maxamed Siyaad Barre caanka ku ahaayeen, kuwaas oo xidhan Kabaha Sandhalka ee ay caanka ku yihiin, waxayna u kala jeesteen iyagoo si dega u fadhiya sagxada gaadhiga dhiacyada, ama jenbiyada, taas oo ah muuqaalkii ay caanka ku ahayd jabhadii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee  SNM oo ahaa kuwii horseeday xoriyada Somaliland iyo dumuqraadiyada ay ku faanto.
Gaadhiga waxa ka babanaya Calanka astaanta u ah kooxda Al-shabaab ee dagaalada ba’an ka wada Somalia, kuwaas oo inta baddan ka taliya magaaladda Muqdisho iyo dhulka koonfurta, marka laga reebo wax aan ka badnayn 10Kmt oo ay saldhig ka dhigatay dawladda taagta daran ee Somalia.
Sidoo kale sawir kaa la mid ah ayaa lagu soo bandhigay shebekadda msn, kaas oo ah kooxda Daalibaan eel ala xidhiidhiyo inay wadaagaan Al-shabaab mabaadi iyo ujeedooyin halgan diimeed, kuwaas oo iyaguna dagaal kula jira xukuumadda taagta daran ee dawladaha galbeedku ka dhiseen Afgaanistaan, waxayna sidoo kale kooxda Daalibaan xidhan  yihiin dharka iyo duubka madaxa ee ay caanka ku yihiin, iyagoo wata gaadhi ay saareen qorayaha dhuumaha ah ee la furfuray, balse kooxda Daalibaan uma saarna gaadhiga sida kooxda Al-shabaab ee koron-korada u muuqata.
Sawiradaa oo u muuqda kuwo xayaysiis ah, waxay shebekadu ku qortay qoraal kooban oo nuxurkiisu yahay sida ka muuqata “Waa Maxay sababta uu Gaadhiga TOYOTA Hilux u yahay Saaxiibka kuwa Nidaam diidka ah”, iyadoo loogu magacdaray gaadhigaa TOYOTA Hilux Guerrilla Pick-ups.  Sidoo kale waxa lagu qoray maxay kuwa sharci diidka ugu jira kaabaynku u jecel yihiin  TOYOTA Hilux, iyagoo ku Hubaysan AK-47” sawirka AL-Shabaab ee ay qadatay shebekadda msn, waxa uu warbaahinta caalamka galay. kadib markii ay sameeyeen dhoolatus iyo carbis Sep 2010.

 

 

Sawirada lagu faafiyay Shebekada Msn oo ka mida kuwa ugu waaweyn caalamka ayaa u muuqata mid xayaysiis kaga qaadatay sawiradaa shirkadda TOYOTA Hilux, balse waxa suurta gal ah inay muuqaaladani dhiiri geliyaan kumanaan dhalinyaro ah oo ku kala nool dacalada aduunka, kuwaas ay suurta gal tahay  inay soo jiitaan muuqaalada lagu xayaysiinayo kooxaha  Al-shabaab iyo Daalibaan. Kadina iyagoo  xiisaynaya inay sidaa oo kale sameeyaan, ama ay ku biiraan kooxahaa.  waa markii u horaysay ee sidan oo kale kooxaha dagaalka kula jira siyaasadaha reer galbeedka ee ay ugu yeedhaan Argagixisada muuqaalo sawiro xayaysiis ah loogu baahiyo mid ka mid ah todobada shebekadood ee ugu waaweyn dhinaca Internet-ka.
maxaad u malaynay iay sawiaradani xanbaarsan yihiin isku day inaad faallo kooban ka bixiso adigoo ku qoraya halkan hoose.  
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *