Ceergaabo(ANN)-Muran iyo khilaaf sababay gacan ka hadal oo maalmihii lasoo dhaafay ku dhexmaray laba kooxood oo wadaada deegaanka gobolka Sanaag ah ayaa lagu soo af-jaray. Kadib markii ay muranka iyo khilaafka u dhexeeyay wadaadda oo gaadhay gacan ka hadal uu si weyn ugu faafay

 

magaalada Ceergaabo gudeheeda. Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay Chief Caaqil Maxamed Cawed oo ka mid ah dhalinyarada aqoonyahanka ee Ceergaabo, isla markaana hormood u ahaa koox madaxdhaqameed ah oo ka hawl galay sidii ay u damain lahaayeen khilaafkaa diimeed ee labada dhinac.
Chief Maxamed Cawed oo u waramayay xalay shebekadda wararka ee Araweelonews, waxa uu marka hore faahfaahin ka bixiyay sababta keentay khilaafka labada kooxood ee wadaaddada ah ee gacanta isula tegey iyo sida ay u maareeyeen arritaa, wuxuuna yidhi,  “Habeenimadii Jicmacaha ee 10 Dec, 2010, xiligii salaadda Cishe ayaa Nin wadaad ah oo kasoo baxay Masjidka weyn ee Ceergaabo oo ku yaal badhatamaha Magaalada, waxa Budh ku weeraray Nin kale oo wadaad ah oo Mu’adin ka ah Masjid kale oo magaciisu yahay Abu-Bakar Al-Saaddaat, kaas oo markii uu kasoo Eedaamay Masjidka u yimi Masajid Jaamaca inuu Ninkaa dagaal ku qaado. Kadibna wuxuu la dhacay Budh. Markaa ka dib waxa bilaabmay Buuq oo qalalaase ayay arrintaasu keentay, waxaana soo baxay laba kooxood oo midi doonayso inaan la xidhin Ninka dhibaatada geystay, kooxda kalena doonayso in la xidho, waxaanu jaraa’idka ku maqalay in Rasaas laysu adeegsaday mana jirin taasi oo rasaasi kama dhicin meesha manay hubaysnayn kooxuhu, laba xabadood ayaa meesha ka dhacay oo ay Ciidamada amaanku rideen markii dadku kusoo urureen goobta Ninkii dhibaatada geystayna waxa kexeeyay dad shicib ah oo Saldhiga geeyay.”
Chief Maxamed Cawed waxa uu sheegay in xadhiga Ninkaa lagu ogaaday inay arrintu ka balaadhantahay wax labada  Nin ee is dilay ku kooban, balse ay jiraan laba kooxood oo wadaado ah oo labada Nin ee wax dhexmareen kasoo kala jeedaan, wuxuuna isagoo arrintaa sharaxaad ka bixinaya yidhi, “Markii Ninka la xidhay, waxa kii kale sheegay in markii Budhku ku dhacay niman kale gacan saareen, waxaana markaa ka dib la xidhay 8 qof,  intii u dhaxaysay 10-11 Dec, 2010, kuwaas  oo ka mid ah kooxahaa wadaaddada ah. Markii aanu araganay inay arrintu tahay mid salka ku haysa khilaaf diimeed oo xaafad kasta oo magaalada ka mid ah gashay ee ay noo muuqatay in arrintii meelo kale iyo si kale oo fidno sii kordhinaysa loo wado,  ayaanu aniga iyo saddex Nin oo madaxdhaqameedka gobolka ka mid ahi dhexgalay anagoo u aragnay in haddii ay sii socoto saamayn weyn ku yeelanayso bulshada gobolka iyo xaaladda aminagaba, waxaanu u tagnay guddoomiyaha maxkamadda gobolka oo u sheegnay in aanu arrinta khilaafka wadaaddada soo af-jarayno, wuuna naga aqbalay oo wuxuu yidhi, “haddaad dhamaysaana qoraalka heshiiska ii keena, haddaa dhamayn weydaana kiiskooda kusoo celiya maxkamadda.”
Markaa kuwii xidhnaa ayaanu soo deynay 19 Dec, 2010, waxaanuna heshiis labada dhinacba ka saxeeexnay  maalintii Jimcihii todobaadkan ee 24 Dec, 2010, iyadoo aanu gamcaha isu saaray oo wixii kala gaadhayna u kala xaqnay, isla markaana waxaanu u sheegnay in ciddii mar danbe mushkiladaa oo kale la timaada in la xidhayo mudo 2sannadood ah iyo in Ninkii sidan oo kale koox diimeed ka socda ee waxyeelo u geysta mid kale oo koox kale ah aanay  jirin koox ka bixinay wuxuu geysto ee ay isaga saaran yihiin, wayna naga aqbaleen oo is xaal mariyeen, waxaanuna qoraalkii heshiiska labada dhinac u gudbinay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sannaag ayuu yidhi Maxamed Cawed.
Mar la weydiiyay waxyaabaha salka u ah khilaafka wadaaddada maadama ay labada dhinacba arkeen oo kulan siiyeen, wuxuu sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee ay kooxo diimeed, ama firqooyin isku dhacaan ee  ay  jireen isku dhacyo hore iyo khilaaf muddo soo noq-noqonayay  oo u dhexeeyay labadaa kooxood iyo kuwo kaleba, kuwaas oo sida uu sheegay xilligii maamulkii madaxweyne rayaale guddida nabadgelyada gobolku gashay arrintooda, balse aan la xalin wixii ay ku kala cabanayeen, wuxuuna yidhi, “Muranka iyo khilaafka labada kooxood wuxuu ahaa mid hore usoo jiray oo had iyo goor ka yimaada Masalooyin diimeed oo ay isku khilaafsan yihiin oo qoloba si u fasiranay  iyo madaahibta oo qoloba mid taabacsan tahay, waxayna isku weerari jireen Maxaadarooyinka ay qabtaan oo kooxiba kooxda kale ku weerartaa. Markaa waxaanu hadda ku heshiisiinay in aan maxaadarooyinka diimeed laysku weerarin oo aan laysku canbaarayn, isla markaana aanay masalooyinka diimeed ee qoloba si u fasiray aanay noqon hub laysu adeegsado oo aanay kooxina kooxda kale ku weerarin, wayna aqbaleen labada kooxoodba qoraalka heshiiskana waanu ku muujinay.” Ayuu yidhi.
Chief Maxamed Cawed wuxuu u mahadceliyay Maayarka Ceergaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sannaag oo uu sheegay inay gacan weyn ka siiyeen sidii  loo xalin lahaa khilaafka labada dhinac ee kooxaha wadaaddada Ceergaabo.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *