Togdheer: Maxay Ka Rumaysan Yihiin Dadka Reer Burco Xukuumadda Siilaanyo, Waa Sidee Muuqaalka Guud Ee Magaaladdu, Warbixin Weriye SCC. Kalshaale

Burco(ANN) Shacbiga ku dhaqan gobolka togdheer 60% ayaa ah dad muxaafid ah oo  dawlada taageersan, gaar ahaana xukuumadda talada haysa , kuwaas oo si aad ah u tix-gelinaya  madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyaga  oo ay maanka ku haya  inuu

kasoo jeedo gobolkooda, Hase ahaatee tageeradaasi waxa ay  ku koobantahay Afka oo maaha mid sidaasi u sii qoto dheer,  waxaana jira dad badan oo aan la dhacsanayn hab maamulka ay xukuumadda  Somaliland manjaraha ugu hayso Dalka.
Arragtida Siyaasada ee Bulshada Gobolka gaar ahaana Burco ayaan sidoo kale ahayn kuwo xarakaad  badan oo la jaanqaadaya marka loo eego  Caasimada  Hargeysa oo uga dhaw, waxaad moodaa in boqolkiiba todobaatan ka mid ahi ay  ka dhacsanyihiin isbed-bedelka joogtada ah ee arrimaha siyaasada iyo dhaq-dhaqaaqyada dawliga ah ee maalin kasta dhacaya, taasoo lagu  sababayn karo Baahiyaha warbaahinta dawlada iyo ta madaxbanaan oo hoy u noqday gobolkan iyo kuwa deriska la ah ee kale.
Gobolka Togdheer lagama yaqaan Ideecad maxali ah oo ay Bulshada reer  Burco,  ama deegaamada kale dhegeystaan,  laakiin waxa ay wararka caalamka kala socdaan ideecadaha Caalamiga ah ee BBC-da iyo VOA, kuwaas oo labada maalinnimo ilaa lixda fiidnimo dadku ay  dhegaha ku hayaan, wixii xiliggaa ka dambeeyana  waxay isha ku hayaan TV-yada caalamiga ah ee ku hadla Af-ka Somaliga,  kuwaas oo ay intii awoodaa marba mid wararka ka baxaya daawato.
Marka ay jiraan warar Xaasaasi ah sida Dagaalada ama go’aamada siyaasadeed ee aad loo xiisaynayo  waxay dadku isugu uruuraan fiidkii Goobaha laga cunteeyo iyo kuwa Shaaha laga cabo oo inta badan la dhigo Shaadhadaha  wararka laga daawado, waxaadna mararka qaar marka aad aragto goobah noocaa ah  in dhibaato ka dhacday marka aad aragto xoonka  isugu soo uruuray iyo higilka, taas oo si cad kuu dareensiinay baahiyaha dhinaca war helista ka haysta Bulshada gobolka Togdheer.
Inta badan goobaha lagu falanqeeyo arrimaha siyaasada waxa lagaga murmaa arrimo ku tiri-kuteen ah oo qaarkood xaqiiqada ka fogyihiin, kuwaas oo xaqiiqadooda lagu raadiyo taleefoonada, wallow ay aad u yaryihiin sheekooyinka dhex mara dadka reer Buro ee ku saabsan faaqidaada siyaasada.
Marka laga yimaado dib u dhaca arimaha siyaasada iyo Warbaahinta ka haysta shacbiga reer Togdheer ee la jaleeco dhinacyada adeegyada Bulshada ee ganacsiga, dhaqaalaha, Waxbarashada, caafimaadka, Nabad-gelyada iyo wixii la hal maala, waxa jira god-daloolooyin is-huwan oo aan la soo koobi karin, kuwaas oo hadii loo kuur-galo aan bilo lagu dhamayn karin,  laakiin  marka dusha laga eego dhaliishooda leh.
Inkasta oo Gobolka Togdheer  iyo  magaalada Burco xarunta u ahi Meel kaga suntanyihiin  Taariikhda Somaliland, hadana kama muuqato taariikhdaasi gudaha magaalada iyo hareereheeda toona, markaad arragto dhismaha gurigii lagaga dhawaaqay goon-isugu taaga Somaliland 18 bishii May 1991oo bur-bursan, ka dib markii dayac soo foodsaaray, habacsanaanta siyaasadeed ee hay’addaha dawliga ah ee gobolka iyo xadaarad yaraanta dadka.

Dhinaca bilicda Jidad xumada Burco, waxa ka daran nadaafad darada meelaha qaarkood indhuhu qabanayaan ee gudaha suuqyada , waxaana qashinku wadhan yahay meelo ka mid ah goobaha ugu camiran magaalada, kuwaas oo laga sameeyay goobo xashiishka lagu rido, laakiinse aanay mar kaliya indhahaygu  qaban,  iyadoo qashinkaasi laga qaadayo, waxaana sida lay sheegay ka shaqeeya shaqooyinka hoose sida nadaafada meelaha ay dawlada hoose qashinka ka xaadho dad ajaanib ah oo aan dalka u dhalan, kuwaas oo u badan Itoobiyaan iyo reer Koonfur.

Halkani waa badhtamaha Magaalada Burco xarunta gobolka togdheer, gaar ahaana barbaraha suuqa magaalada, halkaas oo xudun u ah dhamaanba dhaqdhaqaaqyada aasaasiga ah ee bulshada, waxaana ku yaala goobtan boqolaal meheradood oo Ganacsi kuwaas oo isugu jira Dukaamo iibiya qaybaha kala duwan ee Badeecadaha, Hudheelo, Makhaayadaha  laga cunteeyo, kuwo shaaha laga cabo, xarumo shirkadaha Isgaadhsiintu leeyihiin iyo goobo kale oo Baayac mushtar u furan sida Kolayada Jaadka lagu iibiyo iyo dabakaayooyinka Sigaarka lagu gado.
Dhismayaasha suuqani badankoodu waa kuwo duug ah oo wakhtiyo hore la dhisay, laakiin waxa ku dhex jira kuwo cusub oo muuqaalkoodu cusubyahay, waxaana inta badan degen xafiisyada xawaaladaha iyo Hudheelada Hurdada,  ama Al-beerkooyinka la seexdo, kuwaas oo sawir ahaan ka duwan dhismayaasha kale ee magaalada, maxaa yeelay waa meelo dusha laga qurxiyay, hase yeeshee qurux kasta oo lagu tuhmi lahaa waxa biiyay Boodhka ka kacaya wadada hormarta iyo Xashiishka aan xadiga lahayn ee maalin kasta wadhan meel hal KM u jirta goobta loo yaqaano ZERO-ga burco  oo uu ku dhamaado suuqa ugu weyn ee ganacsigu.

Dhinaca kale weli waxa ka muuqda Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo ah caasimadii labaad ee Somaliland astaamaha raadadkii burburkii dagaalkii dhiiga badabi ku daatay ee dalka lagu xoraynayay sideetanaadkii.  Xaafadaha suuqa u dhaw dhaw waxaad ku arkaysaa Guryo dunsan oo aan dib u dhis lagu samayn sidii dalka loo soo galay, laakiinse kuwa daafaha ku yaalaa waxay u badan yihiin Degmo cusub ama guryo casri ah oo la jaanqaadadaya xiligan la joogo, balse waxaa bilicdooda biiyay Biyo yaraan iyo gadiidka uga goosha suuqa oo aan fiicnayn.
La soco
Weriye Mustafe Cabdi Cali Kalshaale
curad1986@hotmail.com

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *