Muqdisho(ANN)Rays Wasaaraha Dawlada Somalia Cabdiweli Maxamed Gaas iyo  Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawlada ayaa dhaawacyo kasoo gaadheen qarax is miidaabin ah oo goordhowayd lala beegsaday Tiyaatarka magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku geeriyoodeen tirooyinka ilaa hada la

 

hayo 7 qof oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Ciyaaraha Olembigga Soomaaliya, Adan xaaji Yabarow oo lagu naanaysi jiray (Wiish) iyo Guddoomiyaha Xidhidhka  Kubadda Cagta Soomaaliya, Siciid Mugaambe.
Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Maxamed Cumar Dhalxa iyoWasiirka Qorsheynta Cabdullaahi Goodax Barre, koox weriyayaal ah iyo la taliyihii Raysal wasaaraha iyo  Ilaaladii raysal waraaha  ayaa iyaguna ku dhaawcmay qaraxaa, waxaana dadka ku geeriyooday Qaraxaa dhowr qof oo kale oo uu ka mid yahay Abwaan ku magac-dheeraa  Qabyaalad-Diid. sidoo kale Cabdi Xaaji Gobdoon  oo ahaa la taliyaha Raysal wasaaraha Somalia, Axmedey Cabdi Gaashaan oo ka mid ah fanaaniinta Somaaliyeed ee caanka ah, Saleebaan Sheekh Ismaaciil Gudoomiyihii Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ. Sidoo kale waxa dhaawacyo soo gaadheen Weriyayaal ka kala socday warbaainta, kuwaas oo kala ah, Maxamed Shariif oo ka tirsan Idaacada bar-kulan, Axmed Cali Kaahiye oo ka tirsan Radio Kulmiye,  Ayaan Cabdi oo ka tirsan Telefishanka S24, Deeqo Maxamed  Axmed Radio Muqdsiho, Xamdi Xiis oo ka tirsan Telefishanka Somalia Chanel.


Qaraxa ayaa ka dhacay halkaa iyadoo uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Gaas qudbad ka ka jeedinayo Tiyaatarka oo ay ka socotay xaflad lagu maamuusayay sannad-guuradaii 28aad ee aas-aaskii Tiyaatarka iyo sannad-guuradii 1aad ee dib u furiska TV-ga dowladda Soomaaliya.
Raiisal Wasaaraha C/welli Maxamed Gaas oo ka mid ah Masuuliyiinta dhaawacu kasoo gaadhay qaraxa ayaa u sheegay idaacada BBC inay  weerarka is qarxinta ah soo qaadday Haweenay, taas oo  is qarxisay. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay inay dhaawacyo  fududi soo gaadheen Wasiirka Qorsheynta Cabdullaahi Goodax Barre iyo masuuliyiin kale,  laakiin ay golaha xukuumadu ka badbaadeen dhimashada ka dhacday goobta. Ma jirto ilaa hada cid sheegatay qaraxa .


Tiyaatarka Magaalada Muqdisho ayaa la furay March badhatameheedii kadib markii uu xidhnaa tan iyo markii ay bur-burtay dawladii Somalia 1991.



Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *