Burco(ANN)Deegaamo ka mid ah Gobolka Togdheer ayaa laga  soo sheegayaa Abaar iyo Biyo yaraan baahsan xilli lagu jiro dabayaaqadii Jiilaalka oo la naawilayo inay  Roobabkii Gu’gu ka da’aan dalka. sidaa waxa ku bilaabay warbixin uu kaga hadlayo Xaallada guud ee Gobolka Togdheer Weriye

 

Mustafe Cabdi Cali oo ka tirsan Wargeyska Waaheen ee kasoo baxa magaaladda Hargeysa.
“Deegaamada ugu daran ee Abaarta laga soo sheegayo waxa u baddan Deegaamada dhinaca woqooyi ee Gobolka Togsheer, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay heleen roobab aan sidaasi u xoog badnayn.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo Wargeyska Waaheen u waramay xaallada  gobolka ayaa ka dayriyay Degmooyinka ay Abaartu soo food-saartay, wuxuuna  shaaca ka qaaday inay diyaar garow ugu jiraan sidii loo samata bixin lahaa dadka iyo Xoollaha ku dhaqan dhulka abaarta iyo biyo-yaraanta laga soo sheegayo haddii roobka Gu’gu  dhakhso u di’I waayo,  “Gobolka xaalladiisa kale way iska fiicantahay,  laakiin waxa lagu jiraa xilligii jilaalka oo Deegaamo baddan ayaa Abaar iyo Biyo yaraan ba’ani  ka jirtaa, waxaana ugu daran dhinaca woqooyi, kuwaas oo qaarkood roobab yar-yari heleen, maamul ahaana waxaanu ku jirnaa diyaar garow iyo sidii aanu gurmad ugu fidin lahayn dadka iyo xoollaha haddii si dhakhso ah roob u di’i waayo”ayuu yidhi.
Dhinaca kale Shaqo la’aan baahsan iyo Dhaqaale xumo is huwan ayaa ka jira Gobolka Togdheer, kuwaas oo saamayay nolosha dadka gaar ahaana dhalinyarada oo ah udub dhexaadka bulshada reer Somaliland.
Ma jiraan mashaariic horumarineed oo ka socda Gobolka, marka laga yimaado mucaawimooyin fara ku tiris ah oo lagu caawiyo dadka danyarta ah ee gobolka ku dhaqan, kuwaas oo ay fuliyaan Hay’addo Ajaanib ah oo ay ka mid tahay hay’adda WFP oo deeq quudin ah siisa in ku dhaw 2500 oo qoys oo dan yar ah.
Xafiisyada dawlada ee Magaalada Burco waxa ay shaqeeyaan saacado kooban, waxaanay fuliyaan adeegyo kooban oo aan sidii loogu talo galay u socon, halka madaxda qaarkood aanay kaba soo xaadirin xafiisyadooda.
Dadka  u shaqeeya dawlada ee Gobolku waa kuwo kooban oo u badan Waayeel, taas oo meesha ka saartay doorkii ay Dhalinyaradu ku lahayd shaqada xafiisyada dawlada, iyadda oo shaqo la’aanta ay door ku leeyihiin hay’addaha ajaanibka ah ee gobolka xafiisyada ku leh, kuwaas oo shaqaallaha ay qaataan faro ku tiris yihiin.
Qaar ka mid ah Bulshada ku dhaqan magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa Waaheen u sheegay in Gobolka Togdheer dawladu iska ilawday,  “ma jirto wax shaqo abuuris ah oo ka socota iyo mashaariic ku filan oo laga fuliyay gobolka Togdheer waxaanad moodaa inay dawladu ilowday”sidaa waxa yidhi Cumar Cali oo ka mid ah Wax-garadka reer Burco.
Waxaana aragtidaasi markhaatigeeda furay Badhsaabka Gobolka Togdheer, kaasoo ku dooday in xukuumadihii hore gobolka curyaamiyeen laakiinse iminka loo soo jeedsanayo “waxaad moodaa gobolka inaanay xukuumadihii hore xil iska saarin horumarintiisa laakiin imika waxaan ku rajo waynahay inuu sanadkani noqdo sanadkii Togdheer, mashaariic badanbaanan fulin doonaa oo shaqo abuuristu ka mid tahay”ayuu yidhi Mr Aayir.
Dib u dhaca ka muuqda Gobolka, gaar ahaan magaalada Burco ayaa ah mid aan cidna ka qarsoonayn, laakiinse indhaha laga lalinayo, waxaana ka markhaati kacaya Muuqaalka guud ee Magaalada, Jidadka googo’an ee dhex mara iyo cabashooyinka ka soo baxaya dadka shaqo la’aantu hayso, kuwa ka walaacsan horumar la’aanta gobolkooda iyo adeeg yarida xafiisyada dawlada ee heer gobol.
Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo ku-xigeenkiisa oo la magacaabay dhawr bilood ka hor  ayaa u muuqda kuwo dedaal ku jira oo aan waxba hagranayn  laakiinse  khibrad iyo waayo aragnimo ku filan uma laha bulshada ay masuulka ka yihiin
Guddoomiye Cabdo Aayir ayaa tan iyo markii la Magacaabay degen Hudheelka City Plaza ee Magaalada Buro oo uu ku soo degay markii la magacaabay, waxaana aad u saluugsan bulshada gobolka gaar ahaana reer Burco “annagu ma garanayno sida uu uga dabaalan doono hawlaha Gobolka u yaala Badhasaabku, waayo waa Nin Qurbo joog ah oo aan aqoon badan u lahayn dadka Gobolka degen”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Wax-garadka reer Burco oo magaciisa qariyay, laakiinse badhasaabku arintaasi waxa uu kaga jawaabay “waxaan ahay Nin Somali ah oo garanaaya dadka dhaqankiisa, markaa taasi inaanay wax caqabad ah igu keenayn ayaan u malaynayaa”ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa jira dhaqaale xumo curyaamisay Xafiisyada dawlada qaarkood, taasoo sabab u ah qayb ka mid ah habacsanaanta ka muuqata hay’adaha dawliga ah ee Gobolka oo aan helin saddex biloodkii ugu dambeeyay ee kabka dawlada dhexe, sida uu sheegay Badhasabku “mudadii aanu gobolka taladiisa la wareegnay wax badan baanu qabanay waxaanan ka bilaabay xafiiska gobolka oo aanu dib u habayn ku samaynay, gurigii badhasaabka oo aan isagana gacanta ku hayno, waxaanu kormeer ku tagnay dhamaan deegaamada gobolku ka koobanyahay, laakiin waxa naga hor timi dhaqaale xumo oo wax badan noo suurto gelin wayday inaanu qabano, dhaqaale xumadaana dalka oo dhan ayaanu kala simanahay oo miisaaniyadii dalkaba wali lama ansixin”ayuu yidhi
Ka sakow hadalka badhasaabka, marka aad eegto dayaca ka muuqda jidadka Magaaladda Burco iyo adeegyada kale ee dawlada waajibku ka saaran yahay waxa kugu soo dhacaysa “Malaha xukuumaddu waxay aamintay haddaad wax ka qabataan horumarka Togdheer naaneys ayaa idinka raaci oo waxa la odhan Madaxwaynunu gobolkiisii ayuu ka fuudh yeelay” ayuu kusoo geba-gebeeyay warbixintiisa Weriye Mustafe Kalshaale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *