Muqdisho(ANN)Hogaamiyihii hore ee Xisbul Islam, isla markaana Maraykanku hore magaciisa ugu daray liiska argagixisada Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa muujiyay dareenkiisa xiliggan ee kooxda Al-shaab ee ka dagaalama Koonfurta Somalia, kuwaas oo hore u sheegay inay la midoobeen

Urur-weynaha Al-Qaida.
Sheekh Daahir Aways ayaa iftiimiyay dhaleecayn ku waajahan siyaasadaha Al-shabaab, wuxuuna si cad u  sheegay in aanay sax ahayn in magaca Jihaadka dhiigga dadka lagu banneysto, isla markaana lagu caqsi geliyo dadka, taas oo uu ku tilmaamay in aduunku ka baxay maanta.
Hogaamiyihii hore ee Xisbul Islam, Xasan Daahir Aweys ayaa weedhahaa iyo kuwo kaleba ka sheegay Ceelashaha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho oo uu ku suganyahay, “Dhiigga dadka ayaa lagu bannaystay axaadiis, ayaa meesha kasoo baxday, markaa dadka yaan lagu dilin oo dhiigooda lagu xalaashan, warkaasi war khatar ah weeye, war sax ahna maaha, sacyigaa waanu ku wada jiraa markaa inta laga gaadhayo sacyigaa (wacyigaa) inta Shaadh  aan samaynayn la gashado yaan lagu dilin, waana ceeb inaad Shaadh aanad lahayn gashato, mana aha Bini aadamku inuu wax aanu lahayn isa saaro.” Ayuu yidhi.
Sh. Daahir Aways, isagoo ka hadalaya sababta uu xiliggan uga horyimi siyaasadaha iyo qorshayaasha kooxda ay mudada dheer ku wada jireen jihaadka ee Al-shabaab yidhi, “masaladan inaan ka dhawaaqo hada waxay igu tahay Fardi Ceyni ah, sababtoo ah waad iska wada baqaysaan ayuu yidhi, (isagoo qoslaya), waa arrin khatar ah, warkaasina war jira maaha, Mujaahidiinta waxaan leeyahay dadka haloo naxariisto ooh ala dhaafo hanjabaada iyo cabsi gelinta ayuu yidhi.
Sidoo kale Sheekh Daahir Aways wuxuu sheegay inaanu jihaadku ku koobnaan karin koox iyo qolo keliya oo aanay Islaamka oo dhan ku meteli karin.
Weedhaha kasoo baxay Daahir Aways oo ah Hogaamiyayaasha Mujaahidiinta Al-shabaab, ayaa muujinaya khilaaf marar baddan dareenkiisu soo noq-noqonayay oo sheegayay inay hogaamiyayaasha Al-shabaab is khilaafsan yihiin, isla markaana arragtiyaha hogaamiyayaasha mayalka Adag ee Al-shabaab iyo arrabtiyaha Sh. Xasan iyo raga kale ee waaweyn ee ay isku aragtida yihiin isku khilaafeen talaabooyinka iyo qorshayaasha hawlagalada jihaadka.
Dhawaaqa Sh. Xasan Daahir Aways ayaa u muuqda mid daba socda dhawaaqyo ay dhowaan Culimada Waaweyn ee caanka ka ah dhulka Soomaalidu degto ku canbaareeyeen falalka kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo baaqyo kasoo saaray Magaalada Hargeysa iyo meelo kale, isla markaana farta ku fiiqay tallaabooyinka hawlgalada kooxda Al-shabaab. Si kasba ha ahaatee weedhaha Sh. Daahir Aways, ayaa loo fasiran karaa inay hordhac u yihiin inay isaga rag baddan oo kale wax ka bedeleen mawqifkoodii hore ee dhinaca Jihaadka ay ku baaqi jireen, waxayna taasi wax weyn ka bedeli kartaa awooda iyo baaxada Ururka Al-shabaab oo mudooyinkii u danbeeyay ay soo waajaheen qorshayaal shirqoolo iyo duqaymo lagu beegsaday hogaamiyayaal caan ah oo ka tirsanaa Ururkaa iyo Urur-weynaha Al-Qaida ee ay dhowaan sheegen inay midoobeen oo la dilay Maskaxdii ka danbaysay Osama Binu Laden iyo rag kale oo caan ahaa.
Sidoo kale waxay tani sii xoojinaysaa dhawaaqyo iyo shaki dhowaan laga sheegay hogaanka Ururka Al-shabaab. kadib markii Al-shabaab xabsiga u taxaabay Nin Maraykan ah oo ka tirsnaa xubnaha Al-Qaida ee muhaajiriinta ka dhinac dagaalama kooxdaa, kaas  lagu magcaabo  Abuu Masuur Al-amriiki, mararka qaarna loo yaqaan Omar Shafik Hammami. Kadib markii uu shaaciyay inuu ka cabsi qabo inay saaxiibadii dilaan, basle markaa ka dib laga kaxaystay gurigiisa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *