britain1 flagLondon (Araweelo News Network)Dawladda Ingiriiska, ayaa soo bandhigtay tirada dad ay uga shakisan yihiin inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shabaab oo ku sugan

gudaha dalkooda, kuwaasoo looga cabsi qabo inay weeraro ka fuliyaan magaalooyinka dalka Ingiriiska.

Warbixin ka soo baxday Hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee loo yaqaan MI5, ayaa sheegtay inay weerarkii Al-shabaab ku qaaday Kenya kadib ka war heleen in ku dhawaad 60 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku sugan yihiin gudaha wadanka Ingiriiska, kuwaasi oo ay ka baqayaan in qaraxyo ay ka geystaan dalkooda.

Qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska, ayaa faafisay in Hay’adda Sirdoonka MI5 ay sheegtay in xogaha ay hayso u gudbisay hay’adaha ammaanka Ingiriiska si looga hortago weeraro laga cabsi qabo in Al-shabaab ka fuliso gudaha Ingiriiska, iyadoo warbixintu sheegtay 60-ka xubnood ee Al-shabaab looga shakisan yahay eek u sugan gudaha Ingiriisku ay isugu jiraan 40 qof oo Soomaali ah iyo 20 muwaadiniinta Ingiriiska ah.

Waxa kale oo warbixinta soo baxday sheegtay inay dad ka badan ilaa 70,000 (toddobaatan kun) oo Soomaali ahi oo ku sugan magaalada London ay yihiin dad daacad ah oo aan wax dhib ah ku hayn ammaanka Ingiriiska, balse ay jiraan qaar ka mid ah Soomaalida dalkaas ku dhaqan oo ku hawlan falal argagixiso.

Dawladda Ingiriiska ayaa hore u sheegtay in lix ka mid ah muwaadiniinteedu ku dhinteen weerarka Al-shabaab toddobaadkii hore ku qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

info@araweelonews,com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *