Dhukumentiyo Iyo Xoggo Sir Ah Oo Laga Xaday Xarunta Socdaalka SomalilandHargeysa (Araweelo News Network) Dhukumantiyo xambaarsan xogo muhiim ah iyo macluumaad dhinaca sirdoonka la xidhiidha iyo Faylal, ayaa laga xaday xarunta ciidanka

 

Socdaalka Jamhuuriyada Somaliland, kuwaasoo halis ku ah amniga qaranka haddii ay cid cadaw ah u gacan galaan.

Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in gelinkii dambe ee maalintii Jimcaha cid aan ilaa hadda la aqoonsan ay si dhuumasho ah u furatay xafiiska qaybta sirdoonka iyo baadhista ee xarunta guud ee  ciidanka socdaalka Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxaanna halkaasna laga qaatay faylashii baadhista iyo sirta oo xafiiskaas ku kaydsanaa, iyadoo sidoo kale la xaday darajo ah saddex xadhigle ama kabtan oo ku tolnayd dirays uu lahaa sarkaal Laanta Socdaalka ka tirsan oo la yidhaah Dhamme Siciid Cali Wacays oo ka hawlgala xafiiska la furtay ee xogta muhiimka ah laga xaday.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka socdaalka Somaliland oo la xidhiidha xogta muhiimka ah iyo darajooyinka la xaday, balse ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in Ciidanka Socdaalka laga xaday faylayshii xogaha iyo macluumaadka sirta ah lagu kaydiyey wixii ka dambeeyey bishii November 2012 oo ahayd markii madaxweynaha Somaliland xadhigga ka jaray dhismaha cusub ee Ciidanka Socdaalka Somaliland, xogtaasoo ahayd mid muhiim ah u qaranka, isla markaana saamayn ku yeelan karta ammaanka dalka haddii xogtaas iyo darahada saddex-xadhiglaha ah ee la xaday u gacan gasho cid cadaw ah oo damacsan inay waxyeelo gaadhsiiso Somaliland.

Taliyaha ciidanka socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf oo Jamhuuriya isku dayey inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaanay suurtogelin, kadib markii wargeysku ogaaday inuu ku maqan yahay safar dalka dibadiisa ah, balse sida ilaha xogogaalka ahi xaqiijiyeen Taliye-ku-xigeenka ciidanka Socdaalka, ayaa amar ku bixiyey in baadhis rasmi ah lagu sameeyey cida furatay xafiiska xafiiska qaybta sirdoonka iyo baadhista ee xarunta Socdaalka Somaliland ee maalintii Jimcaha ee fasaxa lagu jiray la baxday xogaha iyo macluumaadka sirta ah.

Ilaa hadda ma jirto cid arrintaas loo qabtay oo xidhay, iyadoo la sheegay in baadhis xooggan lagu hayo sidii loo ogaan lahaa ama wax war ah looga heli lahaa cida macluumaadka muhiimka ah ka xaday ciidanka Socdaalka Somaliland, isla markaana la baxday darajada saddex-xadhiglaha ah ee maqan, arrimahaas oo halis ku noqon kara ammaanka Somaliland.

Bishii January ee sannadkan 2013 ayaa Xarunta Ciidanka Socdaalka Somaliland laga helay waayirada lagu qarxiyo noocyada miinooyinka qaraxyada loo adeegsado, iyadoo xilligaasna tuhuno arrintaas la xidhiidha loo xidhay  laba qof oo ka hawlgala ciidanka socdaalka Somaliland xabsiga loo taxaabay, kuwaasoo  muddo kadib xoriyadooda looo celiyey,kadib markii wax dambi ah lagu waayey.
Xiggasho: jamhuuriya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *