madaxweyne siilaanyo1Haeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga reer Somaliland ugu baaqay

 

inay ka qaybqaataan dhismaha wadada isku xidha Ceergaabo iyo Burco. Sidoo kalena waxa uu faray Hay’addaha inay u diyaar garooobaan dhismaha waddadaa.

Sidaana waxa laga sheegay shirkii golaha wasiiradda Somaliland ee maanta , sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul oo kulankaa ka dib saxaafadda u sheegay in madaxweyne Siilaanyo oo shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ka hadlay uu dadweynaha Somaliland ka codsaday inay si mug leh uga qaybqaataan dhismaha jidka Ceerigaabo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ku baraarujinayaa oo farayaa dhammaanba hay’adaha dawladda sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen hawsha dhismaha waddaas, shacabkana wuxuu ka codsanayaa in gudo iyo dibadba hawsha waddadaas si mug iyo miisaan leh looga qaybqaato guud ahaanba dalka oo dhan,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Sidoo kale waxa uu sheegay  in xubnaha golaha wasiiradu ku deeqeen waddada Ceerigaabo in xubin kasta oo ka mid ah golaha wasiiradda uu bixiyo deeqay lacag gaadhaysa $2000 (laba kun oo dollar),  taas oo hormood u ah dhismaha wadadaa,  waxa kale oo uu xusay in go’aamada kasoo shirkaa Golaha Wasiirrada lagaga hadlay sidii looga qaybqaadan lahaa dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Wuxuuna yidhi, “Golaha Wasiirradu waxa kale oo ay maanta ka hadleen sidii looga qaybqaadan lahaa kaabayaasha dhaqaale, gaar ahaan waddooyinka oo muhiimad badan inoo leh, sida waddada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo madaxweynuhu dhawaan soo dhagaxdhigay oo ah muhiimad dhaqaale ahaan iyo isu socodka shacabka muhiimad weyn u leh.

Dhinaca kale waxa uu  sheegay in shirka golaha wasiiradda Somaliland  warbixin laga dhegaystay Wasiirradii degaanka Xariirad u tegay in ay soo damiyaan khilaaf colaadeed oo beelaha halkaas dhex maray, waxayna xubnaha wasiiradda eek u maqnaa xalinta khilaafkaa ay warbixintooda ku sheegeen in ay hawshaa soo dhameeyeen oo ay si nabad ah u dhacday.

Kulamada golaha wasiiradda ee inta badan ka dhaca qasriga Madaxtooyadda maalmaha Khamiista ayaan saxaafada loo ogolayn, kuwaas oo aan inta badan saxaafada loo gudbin waxyabaha lagaga hadlo, balse kulankan ayaa warbixin kooban oo ku saabsan waxyaabaha lagaga hadlay loo gudbiyay saxaafada si bulshadu u oggaato.
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *