London (ANN) Tviga ku hadla Afsoomaaliga ee Universal ayaa aqbalay inuu raaligelin ka bixiyo warar meel ka dhac ah oo uu baahiyay dhowaan, kuwaas oo ay shacbiga Somaliland si weyn uga cadhoodeen, gaar ahaan dadka sida tooska ah u daawada eek u dhaqan dalka Britain, kuwaas oo canbaarayn usoo jeediyay waxyaabaha uu baahiyay oo meelkadhac iyo gef ku ahaa karaamada shacbiga iyo dhaqankoodaba.

 

 

 

 

Qaar ka mid ah jahliyadaha ku dhaqan dalka Britain ayaa doonayay inay dacwad kusoo oogaan TV Universal. Laakiin gudi loo xilsaaray arrintaa ayaa la kulamay mulkiilaha iska leh Tv Universal, isla markaana waxay kala hadleen cabashadooda, taas uu maamulka iyo mulkiilahuba aqbaleen wixii ay usoo gudbiyeen gudi ka socday jahliayada galbeedka London ee Somaliland.

Kulankaa oo sida ay sheegeen ka dhacay xalay cariga Britain, waxa kasoo baxay qoraal ay gudidu kula socodsiinayaan sidii loo dhameeyay hawshaa iyo waxyaabaha uu mulkiilaha Tv-ga Universal aqbalay.

Wuxuuna qoraalkaa oo dhamaystirani u qornaa sidan;- “ Ka dib dareenkii midaysnaa ee xoogana ee ay ummadda reer Somaliland ka qaateen barmaamujkii ka baxay TV Universal bishii June 30-keedii, wuxu urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community soo saaray bishan July 2-deedii war saxaafadeed uu arintaa ku cambaaraynayo kagana dalbanayay TV-gaas innuu masuuliyada khaladkan dhacay dusha u rito oo uu talaabooyin ad-adag ka qaado. Waxa kaloo ururku war saxaafadeedkaas ku hoga tusaaleeyay ummadda reer Somaliland in khaladka saxaafada reer Somalia amma kuwa ay maamulaan ka galaan qaranka Somaliland aanu ku koobnayn barmaamujkii habeenkaas baxay ee dareenka cadhada leh dhaliyay ee ay si joogto ah oo runtii dadka badankiisu dareemin ay madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland u xaqiraan.

Hadaba habeenkii xalay ahaa ee taariikdu ahayd July 6-deedii waxa xarunta TV-ga Unversal ee Bariga magaalada London iskugu yimid xubno ka tirsan jaaliyada reer Somaliland ee dagan magaalada London, una badnaa odoyo, si ay arinkan xal kama dambayn ah looga gaadho. Kulanka aanu la yeelanay mulkiilaha TV-ga Universal ka hor waxay xubnihi reer Somaliland ee kulankaas kasoo qayb galay isku arkeen shir kooban oo ay kasii wada hadleen wixi la hor dhiggi lahaa maamulka TV-ga iyo qaabka loo gudbinayo. Waxa xusid mudan in badi xubnihii kulankaas kasoo qayb galay ay isku aragti ka ahaayeen 2-da qodob ee kala ahaa in wariyihii masuulka ka ahaa shaqada laga eryo iyo in mulkiilaha TV-gaasi isagu TV-ga hortiisa raali galin ka bixiyo una sheego umadda reer Somaliland talaabada uu ka qaaday khaladkan dhacay.

Kulankaas koobnaa ee ay xubnaha jaaliyada reer Somaliland yeesheen wuxu urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community kusoo bandhiggay qodob sadixaad oo ah in TV-gu joojiyo habkay u sheegaan amma uga waramaan Jamhuuriyada Somaliland iyo taariikhdeeda. Inkastoo qodobkaas laga hadlay oo si fiican la isku tusaaleeyay jiritaankiisa iyo muhiimada uu leeyahay hadana si dhamaystiran looguma bandhigin maamulka TV-ga markii xubnaha reer Somaliland ay la kulmeen.

Ka dib kulan gaaban oo aanu la qaadanay maamulka TV-ga, waxa habeenkii xalay ahaa ee taariikhduna ahayd July 6-deedii, si toos ah TV-ga Universal looga faafiyay 2-dii qodob ee maamulka TV-ga Universal iyo xubnihii matalayay umadda reer Somaliland ay ku heshiiyeen, 2-da qodob oo kala ahaa in la eryo wariyihii masuulka ka ahaa barmaamujka iyo in ninka TV-ga lahi si toos ah uga sheego shaashada, umadda reer Somaliland-na halkaa ka raali galiyo.

Sidaa daraadeed waxaanu umadda reer Somaliland ogaysiinaynaa in arinkii Universal TV halkaa lagu dhameeyay oo urur jaaliyadeedku aqbaly go’aankii odayaasheenu gadh-wadeenada inooga ahaayeen, laakiin umadda reer Somaliland waxaanu kula talinaynaa inay foojignaan dheeri ah u yeeshaan cid walboo si cad amma si dadban u weeraraysa amma u xaqiraysa qaranka Somaliland, taariikhdiisa iyo dadkiisa.

Waxaanu xukuumadda xusub ee uu madaxwaynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo kula talinaynaa inay si baraarugsan ulla socdaan saxaafada maqal iyo muuqaal-ba leh (BBC Somali, VOA, Universal iwm) ee ay reer Somalia maamulaan oo ayna ka yeelin in loo yeedhiyo qaranka Somaliland taariikhdiisa, umadda xilkeeda hayaana si badheedh ah loogu xad gudbin. Waxa kaloon xukuumadda cusub kula talinaynaa in sida ugu dhakhsaha badan TV-ga qaranka Somaliland satellite-ka loogusoo xidho si astaanta iyo jiritaanka qaranka Somaliland loogu soo gudbiyo qurba jooga reer Somaliland iyo inta kalee fahmi karta-ba.

Ugu dambayn waxaanu aad ugu mahadnaqaynaa dadkii badnaa ee reer Somaliland ee xafiiska nagalasoo hadlayay ee dareenkooda la qaybsanayay urur jaaliyadeedka oo aanu dareenkoodii ku matilnay kulankii xalay dhacay. Waxa kaloo sidaa si leeg aanu iyagana aad ugu mahadnaqaynaa intii emailada nagulasoo xidhiidhay ee iyaguna nagu taageerayay war saxaafadeedkii aanu kasoo saarnay arinkan isagaa oo aanu waliba ka raali galinayno intii aanu haleeli waynay inaanu u jawaabno oo aanu filayno in war saxaafadeedkani yahay jawaabtii umadda reer Somaliland ee ficilka naga sugaysay.

Somaliland Ha Noolaato, Cadawgeeduna Ha Jabo, aamiin.

Wa bilaahi tawfiiq,

Maamulka West London Somaliland Community

Tel (office): +44 208 848 1180

Email: wlondonsomalilanders@gmail.com

Website: www.wlsomalilandcommunity.org.uk

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                          

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *