Tan iyo markii lagu dhawaaqay 1 July 2010 natiijada doorashada taariikhiga ahayd ee madaxtooyada oo  loogu tartamayay hogaaminta talada iyo awooda dalka, islamarkaana ay komishanka qaranku natiijadooda ku  shaaciyeen  inuu ku guulaystay madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Seylici oo ahaa musharixiintii xisbiga Kulmiye, waxa si weyn

 

shaaracyada wadooyinka waaweyn ee magaalooyinka gaar ahaan caasimada Hargeysa laga dareemayay farxada, yidiilada iyo rajada shacbiga ee siddeedii sannadood ee u danbeeyay sii diciifaysay oo soo noolaanaysa, isla markaana waxa  saaxada warbaahinta todobaadyadii u danbeeyay ka socday hanbalyooyin lagu bogaadinayo Madaxweynaha Cusub iyo ku xigeenkiisa, sidoo kale waxa isagana hanbalyo iyo bogaadin hawada loo marinayay madaxweynaha tartankii doorashada  lagaga guulaystay ee xilka sii haya.

 

 

 

Inkasta oo musharixiinta sadexda xisbi ee u tartamayay jagada madaxweynuhuu ahaayeen kuwii sidan oo kale u tartamayay sideed sannadood ka hor, hadana doorashada maanta ayaa ahayd mid si weyn uga duwan tii xiligaa, maadaama doorashadu ahayd mid dhawr goor dib dhacday oo duruufo iyo marxalado siyaasadeed oo kala duwan soo martay mudadii la naawilayay, taas oo sabab u noqotay in si weyn loogu hanqaltaago qabsoomideeda. Kadib markii  shacbigu isku qanciyeen in haddii ay si caddaalad iyo xaqsoor ah u dhacdo doorashadu  horseedi karto yididiilo iyo rajo ay dhinaca mujtamaca caalamka ay  ka naawilayeen, iyagoo ku qanacsanaa weedhaha ka imanayay daneeyayaasha doorashada ee beesha caalamka oo si weyn isugu mashquuliyay inay taageero dhaqaale iyo tilmaamanba ka bixiyaan sida ay doorashada Somaliland u suurta gelayso.  Lasoaco…….

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *