Hargeysa (ANN) Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa beeniyay warar saxaafadda qaarkood faafiyeen oo la xidhiidhay inuu ka baxay guddi Madaxweynaha la doortay dhawaan magacaabay.

 

 

 

 

Cabdicasiis Samaale waxa uu sheegay in marka horeba aanu xubin ka noqon guddida  uu dhowaan Axmed-Siilaanyo u magacaabay inay ka soo talobixiyaan dhismaha Xukuumadda cusub, isla markaana wuxuu  beeniyay in isaga iyo kuxigeenkiisa labaad ee golaha wakiilada  Baashe Maxamed Faarax ay ka baxeen guddigaa. “Warkaa Wargeyska Haatuf ku soo baxay waa been, sababtoo ah marka horeba aniga iyo Baashe Maxamed Faaraxba guddiga maanu gelin,” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale. “Waanu ka cudurdaaranay, maadaama aanu nahay Shirguddoonka golaha Wakiillada oo ah golaha hadhow ansixin doona xukuumadda cusub. Sidaa aawadeed, guddidaa maaanu gelin, Madaxweynahana waanu la socodsiinay, magacyadayadu way ku soo baxeen, laakiin kamaanu mid noqon marna, wuuna naga aqbalay,” ayuu raaciyay.

Mar la waydiiyay sababta Madaxweynaha la doortay u cadayn waayay bedelkooda, maadaama ay labadooda magac ku soo baxeen liiska guddigaas oo 15 xubnood lagu sheegay, waxa uu qiray in aanu jirin war dambe oo wax lagaga bedelay guddigaas, balse waxa uu tilmaamay in aanay jirin sabab loo buunbuuniyo guddi talobixineed. “Guddi talo soo bixinaysa in la buunbuuniyo mabay ahayn, makaanu mid noqon, manaanu gelin, wax is diidani ma jiro. Markaa waxaan umadda u caddaynayaa in wax is diidani aanay jirin, wax la isla seegan yahayna aanu jirin. Xisbiga hawl baan u soo qabtay, waanan u qaban doonaa, heerkii aan markii hore ka taagnaana mid ka sareeya ayaan ka taaganahay, labadayaduna daacad baanu u ahayn, una ahaan doonaa xisbiga,” ayuu yidhi Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay in Madaxweynaha la doortay ka aqbalay ccudurdaarkaa ay xilli horeba u gudbiyeen. “Hawl baanu qaranka u haynaa, taasoo ah Shirguddoonka golaha Wakiillada, waxaanan umadda u caddaynayaa in marka horeba aanaan guddigaa gelin, meel aanu kaga baxnayna jirin,” ayuu yidhi Samaale.

Waxa uu si adag u beeniyay warkaa  oo  lagu sheegay in sababo ismaandhaaf jira ay labadaa masuul guddiga uga baxeen, wuxuuna ku adkaystay   inuu ku faanayo hawsha uu xisbigiisa KULMIYE u soo qabtay, isla markaana aanay jirin wax ismaandhaaf ah oo ka taagan gudiddaa  iyo xisbiga dhexdiisa midna.

Source ogaal

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *