images/stories/mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman oo duqaynaya buuraha galgala.jpg   Boosaaso (ANN)Buuralayda Galgala oo qiyaastii 40km dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ayaa maanta  dagaal xoogani ku dhexmaray kooxda Shiikh Maxamed Siciid Attam iyo Ciidamada Maamulka Puntland. Dagaalkaa oo  ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ay labada dhinac iskaga hor yimaadaan markii sadexaad tan iyo markii ay deegaankaa dib uga bilaabeen dagaaladu.

Shiikh Attam oo maanta la hadlay Idaacada VOA qaybteeda Af-soomaliga ayaa  sheegay inuu guul ka gaadhay  dagaalka maanta, isagoo ku dooday in aanay dhinacooda soo gaadhin wax khasaare ahi kooxdiisa, isla markaana  ay jab iyo Halaag la kulmeen  Ciidamada Dowlada Puntland oo uu ku tilmaamay kuwa aan aqoon u lahayn Buuralayda degaanka Galgala.
Shiikh Attam  ayaa sheegay inay dhaawaca iyo dhimashada Cisbitaalka  Boosaaso la soo gaadhsiiyey ay ka badan tahay khasaaraha dowlada la soo gaadhsiiyey, isagoo intaa ku daray inay gadiid gaadhaya ilaa 3 gaadhi  ay ka gubeen Ciidamada Shiikha Mayalka adag ee Maxamuud Siciid Atam. Laakiin ma jiraan warar madaxbanaan oo si cad u iftiiminaya inta uu leegyahay khasaaraha rasmiga ah ee dagaalku.
Dhinaca kalena dad ku sugan magaalada  Boosaaso ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in la geeyay Cusbitaalka dhaawac iyo dhimasho, iyadoo  14  Maydka Askartii ku dhimatay  maanta lugu aasay qabuuraha Magaalada Boosaaso,  Halka dhaawac farabadan oo lagu qiyaasay 25 qof  dhaawacoodu yaalo Cusbitalka guud ee Magaalada Bosaso.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *