images/stories/news.gif Hargeysa(ANN) Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa hawada ka baxay caawa, ma jiro war rasmiya oo ay wasaarada war faafintu kasoo saartay sababta uu hawa uga baxay Telefishanka qaranku, kaas oo shanta galabnimo soo geli jiray hawada ilaa kowda habeenimo.

Hase yeeshee shebekada Araweelonews ayay u sheegeen hawlwadeenada Telefishanku in ciladi ku timi Tarasmitirkii telefishanka, kaas oo galabnimadii xukaaday, isla markaana waxay hawlwadeenadu xuseen in lagu hawlan yahay sidii hawada loogu soo celin lahaa TV-ga qaranka, taas oo sida ay sheegeen lagu guda jiro ilaa hada, balse aanay cayimi karayn waqti mucayin ah oo ay ku raja weyn   yihiin inuu hawada kusoo laabto.
Cilada xiligan telefishanka ayaa kusoo beegantay xili ay xukuumada cusubi ku jirto magcaabis iyo xil ka qaadis masuuliyiintii hore ee xukuumadii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada, isla markaana maamulka telefishanka ayaa ka mid ah meelaha farta lagu fiiqayo in lagu sameeyo is bedel, kaas oo ka mid ahaa meelaha ay xubnihii gudida anshaxa ee doorashadii madaxtooyadui sida gaarka ah u calaamadiyeen kadib markii maamulka Telefishnka qaranku u hogaansami waayay xeerarkii anshaxa ee saxaafada xiligii doorashada madaxtooyada.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *