images/stories/senawi.jpg  Adis-ababa (ANN)Mr. Raysal wasaaraha Ethiopia Zenawi ayaa shuruud ku xidhay inay ciidamadiisu ku laabtaan Somalia, isagoo dheegay  in ciidamadoodu ay gali doonaan Somalia marka halis la galiyo ciidamada AMISOM oo ay baxayaan. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa  waxa uu sheegey in ciidmaadiisa aanay  ku laabanaynin Somalia xataa hadii khatar  la geliyo  Dowlada Somalia.

 
Mr. Zanawi oo saxafiyiinta kula hadlaayey magaalada Addis Ababa ayaa sheegey in sababta kaliya ee ay ciidamada Ethiopia ugu noqon karaan Somali ay tahay AMISOM oo khatar gasha, isla markaana  doonaysana inay dalka Somaliya isakaga baxdo isagoo sheegey in markaas hadii ay gacan weydiistaan ay Ithiopia diyaar ula tahay inay ciidamo u dirto si ay u samata bixiyaan nabad ilaaliyayaashaa ku sugan gudaha Somalia.
Hadalka Zenawi waxa uu meesha ka saarayaa tuhun ay dad badan ka qabeen in ay Ithiopia ay ciidamo usoo diri doonto Somalia si ay gacan uga geystaan nabad ka dhalinta  Somalia.
Ethiopia waxa ay Somalia Galeen ciidamadeedu sanadkii 2006 dhaamaadkiisii,  kuwaas oo laba sano ka dibna ka baxay sanadkii 2008. Kadib markii ay kala kulmeen khasaare weyn oo soo gaadhay ciidamadeeda iyo dhaqaale burbur soo food saaray wadanka Ethiopia.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *