images/stories/muqal budhcad badeed hubaysan hobyo.jpg  Gaalkacayo(ANN) Saraakiil ka tirsan Isbaheysiga ciidamada NATO ee ka hawlgala Biyaha Badda Somaalia iyo maleeshiyaad kasoo jeeda deegaanka Mudug ee Gaalkacayo  ayaa gaadhay  duleedka magaalada  Hobyo oo ku taal xeebta badweynta India ee Somalia, halkaas oo xarun u ah Budhcad Baddeeda Somalia ee maraakiibta ka ugaadhsata marinkaa. Sidaana

 waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay dad kala duwan oo ku sigan deegaankaa, kuwaas oo   sheegay in saraakiil ka socota Gaashaanbuurta NATO ee ku howlan la dagaalanka Kooxaha Budhcad Baddeeda Somaalida ay  shalay gaadheen magaalada Gaalkacyo, isla markaana  ay maanta u gudbeen dhinaca deegaanka  degmada Hobyo ee gobolkaa.

 Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha Saraakiisha oo tiradooda tahay 7-sarkaal oo ajaaniib ah, kuwaas oo amaankooda aad loo ilaalinayay mudadii ay ku sugnaayeen Gaalkacayo. wararka  qaar ayaa sheegaya inay halkaa u tageen sidii  ugu kuur geli lahaayeen  xaalada Budhcad  badeeda iyo in laga fulin karo halkaa hawlgal dhinaca Berriga ah.
 Ilaa 7-gaadiidka dagaalka ee gaashaaman ayaa Saraakiishaa lagaga galbiyay Magaalada Gaalkacayo, iyadoo maleeshiyaadka ilaalada ka hayay ay ahaayeen kuwo hore ugu tirsanaa kooxaha Budhcad Baddeeda.

kooxda Saraakiisha ah  ayaa ka hor intii aanay gaadhin Gaalkacayo ay jireen warar sheegaya inay kusoo fool leeyihiin deegaankaa Saraakiil Ciidan oo ka tirsan NATO, balse sida ay wararkaasi sheegayaan markii ay halkaa gaadheen dadka deegaanka loogu sheegay suxufiyiin, kuwaas oo xoggo danbe oo laga helay tibaaxeen inay yihiin.

 Degmada Hobyo ayaa ka mid ah meelaha ugu mihiimsan ee xarumaha u ah Budhcad Baddeeda, waxaana halkaa ku xidhan maraakiib badan oo qaarkood yihiin kuwa dagaalka oo ay Afduubeen Budhcad Baddeedu, isla markaana waxa la saadaalinayaa inay Ciiddamada NATO hawlgalo dhinaca Berriga ah ka bilaabaan deegaankaa, iyadoo warar dhinaca Budhacad Baddeeda ku sugan deegaanka laga helayna sheegaan inay dhinacooda u diyaar garoobeen oo ay galeen abaabul iyo sidii ay isu difaaci lahaayeen.
 awaxaa ku xiran dhowr maraakiib dagaal oo ay qafaasheen burcad badeedka, iyadoo ay ka jirto dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan burcad badeedka, kadib markii ay ka war heleen saraakiisha ku soo jeeda degmadaas.

 Si kastaba ha ahaatee ilaa hada si cad looma oga  qorshaha ay u halkaa u tageen  saraakiisha NATO, isla markaana waxa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan  socdaalkooda iyo sababaha ka dambeeya, balse waxa la filayaa inay maalmaha soo socda cadaan doonto ijeedada socdaalkoodu.
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *