Guriga Baraawe1Washington(Araweelo News Network) TV’ga CNN  ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa soo bandhigay Filim sawir lagaga bixinayo hawlgalkii Ciidamada Cutubka Lixaad  todobaadkii hore ku qaadeen Magaalada Baraawe ee Koonfurta Somalia.

 

 

giraga Baraawe muuqaal kale 2Sidoo kale Muuqaalada uu Telefishanka CNN soo bandhigay oo ah kuwo lagu sawirayo dhacdadaa ayaa lagu muujiyay sida aanay ciidamada Maraykanku wax badan ugala socon taatikada dagaalka ee Al-shabaab oo weerarku ku jihaysnaa. Waxa kale oo Telefishnaka CNN Waraysi la yeeshay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka  George Little.

guriga Baraawe3

Dowladda Mareykanka ayaa hore u  sheegtay in ay ku guuldareysatay iskudayo dhowr ah oo ay ku doonaysay in ay ku beegsato hoggaamiyaal katirsan xarakada  Al-shabaab . Wasiirka difaaca Mareykanka Chack Higal ayaa  saraakiisha ciidanka Mareykanka u sheegay in ladagaalanka waxa loogu yeedho. Argagaxisada  uu yahay mid qeyb ka ah sugidda ammaanka qaranka Mareykanka.

 

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baali ee dalka Indonesia  weerarkaa kadib ayaa qiray in howlgalkii ay Soomaaliya ka fuliyeen uu ku dhamaaday  guul darro wuxuuna walaac ka muujiyay halista soo wajahaysa ciidanka Mareykanka ee howlgaladaasi fulinaya, kuwaas oo kadib hawlgalkii Osama lagu khaarajiyay cutub ka tirsan kooxdii weerarka fulisay diyaarad ay saarnaayeen August 2011 dagaalyahanka Daalibaan la beegsadeen gantaal sidaana ay ku burburtay diyaarada iyo kooxdii saarnayd oo dhamaantood ka tirsnaa cutubka hareeraynta ee lixaad oo lagu tilmaamo kuwo ugu tababar badan ciidamada Maraykanka.

guriga Baraawe4

Balse cutub ka tirsan ciidankaa oo lagu sheegay tiradooda in ay ahayeen 20 askari ayaa  weerarka  Baraawe , kuwaas oo si weyn loogu dhaliilay qaabka ay hawl galkaa u waajaheen oo lala xidhiidhiyay in uu sabab u ahaa guuldaradii ku dhacday.

 

Halkan ka Daawo Muuqaalka filimka oo laga metelay hawlgalkaa, balse aan ahayn mid run ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *