kulankii qaadhaanka1Hargeysa(Araweelo News Network) Kulan balaadhan oo ay ka qaybgaleen dhawr kun oo qof oo ka kala socday qaybaha bulshada ee kala duwan ayaa

 

xalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Kulankaa oo ujeedadiisu ahayd sidii qaadhaan loogu ururin lahaa dhismaha wadada Ceeraabo oo xukuumadda Somaliland dhismeheeda u tafaxaydatay, waxa qaban-qaabiyay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin ka socotay xukuumadda, ganacsato,  aqoonyahano, Odayaal, Dhalinyaro iyo fanaaniin.

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali oo dadka ku casuumay kulankaa ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha xukuumadda eek u waajahan dib u dhiska dalka, gaar ahaan wadooyinka oo uu sheegay inay yihiin baahida ugu weyn ee dalka ka jirta, isla markaana loo bahanyahay in xukuumad iyo shiciba gamcaha lays qabsado si looga qayb qaato dhismaha dalka.

kulanka qaadhaanka2
Mudane Xirsi waxa sheegay in xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo wax badan qabatay mudadii ay xilka haysay, isla markaana ay ka go’antahay in wax badan la qabto, wuxuuna sheegay in wadada Ceergaabo  ay xukuumad ahaan qaadhaan iska ururiyeen oo ay hada hayaan lacag gaadhay 6mly oo dolar, taas oo uu sheegay in 4mly oo ka kid ah laga qaaday xoolihii dhoofayay Carafada, halka labada milyan ee kale ay tahay qaadhaan xukuumadda ka yimi.

Wasiir Xirsi, waxa uu  waxba kama jiraan ka dhigay dhaliilaha mucaardka ee ah musuq-maasuqa, wuxuuna ku tilmaamay eedahaa kuwo aan waxba ka jirin, isagoo sheegay in dhaqaalaha kasoo xerooda xeerka dhowaan golaha wakiladu ansixiyay ee Wadooyinka si dhab ah loogu maamulayo  dhsimaha wadadaa iyo wadooyinka kale ee loo baahanayahay, isla markaana qof walba oo qaadhaanka ka qaybqaataa helayo xisaabta iyo waxa ay lacagtu ku baxday, iyadoo sida uu sheegay la samaynayo bar dhinaca Internetka ah  oo lagala soconayo xisaabta soo gasha Hay’adda wadooyinka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dalka Somaliland 750kmtr ku dhowaad ay yihiin wado laami ah, isla markaana loo baahanyahay 1500kmtr oo u qorshaysan in laga dhigo wadooyin laami ah, wuxuuna sheegay in ay qalabka dhismaha wadooyinka oo laga soo iibiyay debeda dhowaan kasoo degayaan Marsada Berbera.

Kulankaa oo lagu soo bandhigay suugaan iyo heeso ay fanaaniin iyo abwaano  kasoo qaybgalay ku wacyigelinayeen bulshada iyo sidii wax loo qabsan lahaa, iyadoo aan dalal kale iyo Hay’addo waxba laga sugin, waxa lagaga dhawaaqay lacag qaadhaan ah oo dadka ka qaybgalay qaarkood ugu deeqeen dhimaha wadada Ceergaabo.

Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliso Wasiiradda  Wasaarada Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ka qayb galay xaflado ka kala dhacay Dugsiyada hoose dhexe ee Sheekh Bashiir, Dugsiga Hoose Dhexe ee Mujaahid Aadan Dhamac , Madaarisul Daaru-Tawxiid iyo dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali,  kuwaas oo ay Ardayda wax ka barataa kaga dhawaaqeen in arday walba uu $ 3 Dollar ugu deeqayo  dhismaha  wadada Ceerigaabo

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali oo Kulamada Ardayda dugsiyadaasi kaga dhawaaqeen qaadhanka la hadlayay ayaa uga mahad celiyay sida ay u garteen in ay ka qaybqaataan dhismaha dalkooda, wuxuuna  sheegay in cid kasta oo ka qayb qaadata, amma wax ku darsata wadooyinka lagu soo daabici doono barta internet-ka ee ay leedahay hay’ada wadooyinku (Somalilandroads.com) halkaas ayuu ka eegi karaa qof kasta oo ka qayb qaatay haddii uu yahay Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Askariga, Ardayga, shaqaale iyo cid kastaaba halkaas ayey  kala socon doonaan, isla markaana hantidhawr madax-banaan la gelin karo marka loo baahdo xisaabaadka Hay’adda Wadooyinka, taas oo Madaxweyne Siilaanyo hoos geeyay Xafiiska Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *