kulanka telefonada kenya1Nairobi(Araweelo News Network) Dawlada Kenya ayaa bilawday sidii shirkaddaha dhinaca Telefoonada ee bixiya kaadhadhka loo adeegsado Mobilida loo diiwaan gelin lahaa. Kadib markii dhowaan ay Kenya soo gaadhay dhibaato si weyn saamayn ugu yeelatay dhaqaale ahaan iyo

 

siyaasad ahaan, taas oo ka dhalatay fashil dhinaca amaanka ah oo uu debeda soo dhigay weerarkii Westgate Mall oo ahayd goob ganacsi oo koox hubaysani mudo Afar maalmoodn ah haysteen kadibna ka baxsadeen ciidamada ku hareeraysnaa dhismahaa.

Hay’adda Sirdoonka dalka Kenya ayaa Madaxda iyo maamulayaasha sharikadaha telifoonnada moobillada ee dalka Kenya u yeedhay si  wax looga weydiiyo  sababaha Keenay inay jiraan in ka badan 1.5 malyuun oo ah kaadhadhka loo yaqaan SIM cards oo aan la diiwaangelin, kuwaas oo lagu isticmaalo dalka Kenya gudihiisa.

Arrintani waxay walaac gelisay hey’addaha nabadsugidda oo sheegay inay dhici karto in moobillada noocaas ah loo adeegsado wada xidhiidhka falalka argagixisnnimada, sidaa awgeedna ay khatar ku yihiin nabadgelyada. Booliska Kenya waxay shirar iyo wax weydiin la yeesheen madaxda sharikadaha isgaadhsiinta afar ka tirsan oo ah kuwa bixiya adeegyada telefoonnada moobillada.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen madaxda Afartaa shirkadood, oo kala ah Safaricom, Bharti Airtel, Orange Kenya iyo Yu Essar, waxay sheegeen inay caddaymo u gudbiyeen booliska markii ay saldhigga tegeen. Waxayna ku doodeen in sharkadahoodu ay u hoggaansamaan qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ah ee u yaalla adeegyada noocan ah iyo dhawrista waxyaabaha saamaynaya nabadgelyada iyo deganaansha.

 

Talaabada Hay’adda sirdoonka iyo Booliska waxay ka danbaysay warbixinno lagu xusay in moobillo aan diiwaangashanayn loo adeegsaday weerarradii xarunta Westgate oo ay adeegsadeen kooxdii geysatay weerarkaa oo ay Al-shabaab sheegatay. Waxana boolisku ugu hanjabay maareeyayaashaasi afarta sharikadood inay dhici karto in loo soo jaro waaran xidhitaan ah, hase ahaatee iyagu waxa ay ku gacansaydheen eedaymahaasi.

Dhinaca kale Dalka Kenya waxa ka jira ilaa 29 malyuun oo ah kaadhadhka loo yaqaan SIM cards ee moobillada oo si sharci ah u diiwaangashan, balse  in ka badan 1.5 malyuun ayay rumaysan yihiin Sirdoonka iyo hay’addaha amaanku in aanay  diiwaangashanayn. Shirkadda loo yaqaanno Safaricom ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay ta ugu weyn ee adeegyada moobillada dalka Kenya bixisa, waxayna talaabada sirdoonka iyo Booliska Kenya ugu yeedheen masuuliyiinta shirkaddahaasi kusoo beegantay xili aanay weli Xukuumadda Kenya soo bandhigin cadaymo muujinaya dadkii fuliyay weerarkii 21 Sep 2013 ka dhacay dhismaha ganacsi ee Westgate oo ay ku dhinteen 67 qof in ka badan, ku dhowaad 7o qofna la waayay geeri iyo nolol iyadoo 175 qof oo kalena ku dhaawacmeen, kisla markaana aanay Hay’addaha amaanku ilaa hada xataa  aqoonsan tirade dhabta ah ee kooxdii fulisay weerarkaa. iyo magacyadooda.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *