“UDUB Way Tegeysaaye Ha Tahriibin Walaal” Halku Dheggii Kulmiye Xiliggii Ololaha Halkee Buu Ku Danbeeyay? Qaybtii Lixaad By, Carraale M. Jama freelance Journalist and Human Rights Activist

Muran iyo khilaaf jiitamayay dhawr bilood kadib markii ay mudadii loo kordhiyay xukuumadda Daahir Rayaale gabaabsi noqtay, isla markaana ay komishankii xiliggaa awoodi waayeen inay doorashada madaxtooyadu qabsoonto, taas oo ay hore ugu qoondeeyen inay ku beegantahay 29 March, balse aanay waqti sax ah tilmaamin.

Khilaafka sii xooggaysanayay ayaa noqday mid si weyn u kala qaybiya Golayaasha qaranka sida xukuumadda oo ah hay’adda fulinta, Baarlamaanka oo ah sharci dejinta wakiiladda iyo guurtida iyo axsaabta mucaardka, waxaana sidoo kale khilaafka qayb ka noqday komishakii waqtigaa, iyadoo mar kale komishaku sheegeen inay doorashada madaxtooyadda Somaliland ka qabsoomay dalka 27 Sep,  2009.

Hase yeeshee mudadii xukuumadda Daahir Rayaale loo kordhiyay oo ahayd sanad ayaa dhamaatay,  iyadoo aan waxba iska bedelin xaaladda, isla markaana aan weli xal loo helin mushkiladii siyaasadeed ee ka aloosantay dalka iyo is maandhaafkii siyaasadeed ee ka dhashay sida ay dalka uga dhacayso doorashada madaxtooyada ee muda dhaaftay.
Sidoo kale waxa gabaabsi noqotay mudadii ay mar kale u qabteen komishanka doorashooyinku inay dalka ka dhacdo doorashada madaxtooyadu oo ahayd  Sep 2009.

Marka laga yimaado muranka muda dhaafka doorashada, waxa sii cakiray xaaladda khilaaf ka dhashay natiijada diiwaangelinta doorashada oo dhinaca beesha caalamka ee taageera geedi socodka doorashooyinka iyo dumquraadiyadda Somaliland ku adkaysteen in lagu galo doorashada madaxtooyadda diiwaan gelin casri ah, taas oo ay ku baxday malaayiin dollar, isla markaana Bulshada Somaliland dhinaceeda dhaqaale badan iyo juhdi ku bixisay, balse ugu danbayntii xukuumaddii Daahir Rayale iyo kooxdii komishaku isku dayeen inay waxba kama jiraan ka dhigaan natiijada diiwaangelinta oo ahmiyad weyn u lahayd jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, maadaama ay diiwaangelintu isugu jirtay (National ID Card) iyo waraaqaha cod bixinta, iyadoo marka laga yimaado waraaqaha cod bixinta ay waraaqaha aqoonsigu ahaayeen kuwo ahmiyad weyn lahaa, isla markaana noqonayay kuwo macluumaad ahaan mar kasta oo la qabanayo doorasho laga tixraaci karayay in diiwaan gelin si fudud loo sameeyo.

Dhinaca kalena waraaqaha aqoonsiga ee (National ID), ayaa ahaa kuwo tayadoodu sarayso inkasta markii hore kuwa la bixiyay ahaayeen kuwo tayadoodu liidato, isla markaana qaab khaldan meelaha qaar loo bixiyay.
Dad badan oo ka mid ah Bulshada ayaa waraaqahaasi u fududeeyeen inay ku galaan dalka Ethiopia, iyadoo ay aqoonsi ahaan u qaadanayeen, balse diiwan gelinta doorashada iyo waraaqaha aqoonsiga ee (ID) iyo gebi ahaanba doorashada marka laga yimaado khilaafka dhinacyada Somaliland waxa mararka qaar muuqanaayay dagaal siyaasadeed oo si dadbadan ugaga imanayay debeda, kaas oo la doonayay in lagu fashiliyo gebi ahaanba nidaamka geedi socodka dumuqraadiyada Somaliland…. …..La Soco 

By, Carraale M. Jama freelance Journalist and Human Rights Activist
Jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *