Digital StillCameraHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed (Siilaanyo) iyo wefdi uu hogaaminayay oo socdaal shaqo kusoo maray dalalka Britain Nairobi Iyo Ethiopia ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyna oo kasoo degay Garoonka diyaaaradaha Ee Cigaal International Airport, waxa  halkaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), shirgudoonka wakiiladda, xubno ka tirsan golayaasha qaranka ee Baarlamaanka, golaha wasiiradda iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha kale ee qaranka iyo dadweynaha caasimada qaarkood.

Madaxweyne Siilaanyo oo saxaafada siisay warbixin kooban oo la xidhiidha natiijada safarkiisa, wuxuu isagoo ka hadlaya kulamadii ay la yeesheen Madaxda Dalka Buritan yidhi, “Mudadii aanu maqnayn waxaanu is leenahay danaha Qaranka ayaad ku maqnaydeen Dalka Igiriiska ayaa noogu culays weynaa,  halkaas oo aanu ku aragnay wasiirka Arrimaha Debada Ee Britain oo aanu ka wada Hadalnay arrimo dhawra oo ku saabsan wax wada qabsigii ka dhaxeeyay Dawlada Ingiriiska iyo Somaliland ee dhinacyada badan lahaa,  haday tahay xaga dhaqaalaha, hayd tahay  xaga nabad gelyada iyo haday tahay xagga siyaasada intaba” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya walaaca dawlada Britain ee dhinaca Nabadgelyada oo ahaa ujeedooyinka ugu weyn ee safarkiisa dhinaca Britain, wuxuu  yidhi,  “Woxaagaagii hawlihii nasoo dhexgalayna waanu ka wada hadalnay ee mugdiga xaga nabad galyada galiyay,  iyadana inaanu ciddii hawlahaasi khusayso loo wada diro ee nabad galyada qaabilsan oo dib loogu noqdo oo la eeggo oo la darso ayaanu hawshaa iyada ah isla meel dhignay.
Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii dhaqaalaha iyo wax qabadka kale ee inaga dhaxayn lahaa loo kordhin layaa taana balan qaadyo badan baanu ka samaynay” ayuu yidhi.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ka hadlay kulamadii dhexmaray Jahliyada Somaliland ee UK iyo shirkad dhinaca shidaalka ah oo ay la kulmeen isaga iyo wefdigiisu mudadii koobanayd ee ay ku maqnaayeen London, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Waxa kale oo aanu la kulanay shacabka Reer Somaliland ee Halkaa jooga oo aanu shir u qabanay oo aanu uga waranay Dalka Xaaladiisa iyo waxa uu ku sugan yahay , waxa kale oo aanu la kulanay shirkaddo waaweyn oo ka shaqeeya dalka oo ay ka mid tahay shirkada Turkiga ah ee la yidhaa JIIRAAL oo lasoo sheegay inay Dalka nabad galyo daro daraateed uga baxayso taasina waxba kama jiraan ayay noqotay oo waxay diyaar u tahay inay shaqadeeda qabsato iyadoo ku kalsoon nabad galyada Dalka ka jirta” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

“Dawlad Ingiriisku waa nagu marti qaaday shirkaa, waxayna noo sheegtay in shirkaa sidii awalba sharafta lahayd ee Somaliland loo siinjiray maqaamka nala siindoono,  laakiin shirkaa wada tashigiisa iyo Arrintiisa waa mid noo taala Arrintaasina mid aanu ku deg-degayno maaha ee waa mid aanu talo qaran ka yelanayno” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahintu wax ka weydiisay shirka dawlada Britain qabanqaabadiisa waddo ee lagaga hadlayo arrimaha Somalia, kaas oo loo qorsheeyay in Bisha May 7,  2013 lagu qabto London.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, waxa safarkiisa ku weheliyay wasiirka arrimaha debeda Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire iyo marwada madaxweynaha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *