Hargeysa(ANN)Tartanka Ciyaaraha Gobolada Dalka oo hore loogu qorsheeyay in maalinta beri 15 Jan 2013 lagu garoonka Hargeysa stadium ee magaalada Hargeysa, ayaa gebi ahaanba baaqday. kadib markii ay saamayn ku yeesheen natiijooyinkii

 

doorashada golaha deegaanka ee dalka ka dhacay 28 Nov 2012.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland  Cali Siciid Raygal ayaa maanta ku dhawaaqay in tartanka ciyaaraha goboladda dib loo dhigay illaa 2-da Bisha June ee sanadkan 2013-ka.

Mr. Raygal ayaa ku andacooday in ay sabab u tahay dib u dhigista tartanka Ciyaaraha gobolada dalka codsi uga yimi qurba jooga Somaliland ee ku dhaqan dalka debediisa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaanu qaban doonaa tartanka ciyaaraha Goboladda haddii ALLE idmo 2-da bisha June, waana codsi nooga yimid dadka qurbe jooga ah ee reer Somaliland oo naga dalbaday in lala sugo wakhtiga xagaa- baxa,”ayuu yidhi Wasiirka Dhalinyaradda, Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo xafiiskiisa ugu waramayay maanta qaar ka mid ah warbaahinta.

Dhinaca kale Tartanka Ciyaaraha gobolada dalka oo hore loo saadaalinayay in sanadkan lagu furo garoon cusub oo Maayarkii hore ee Berbera Cabdala Xaaji Cali ka sameeyay sanadkii hore magaalada xeebta ah ee Berbera, ayaan la garanayn sababta loogu qaban waayay, balse wasiirka  Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, ayaa dhowaan shaaciyay inay wasaarad ahaan u qorsheeyeen in 15 Jan 2013 oo ku beegan maalinta beri ah lagu qabto garoonka Hargeysa stadium, balse taageerayaasha Xaqsoor ee xaafada Axmed Dhagax oo uu ku yaal Garoonku ayaa dhowaan baroordiiq ay u samaynayeen dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay mudaharaad ay kaga soo horjeedeen natiijadii doorashada golayaasha deegnanka ee dalka ka dhacday ku sheegay in aanay aqbalayn in garoonka lagu qabto tartanka Ciyaaraha oo ay u fadhiyaan tacsida mashaqadii ka dhacday halkaa.

Dhawaaqaa Taageerayaasha Xaqsoor ka dib waxa jiray kulamo u socday xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Salaadiinta iyo Odayaasha xaafada Axmed Dhagax, kulamadaa ka dib ayaa la shaaciyay in aanay suurta gal ahayn in xiliggan ciyaaraha lagu qabto Hargeysa Staduiam, maadaama ay weli jiraan tabashooyin ka dhashay natiijadii doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28 Nov 2013, taas oo mad-madaw iyo musuq-maasuq lala xidhiidhiyay natiijadeedii.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *