Paris(ANN)Madaxweyanaha dowlada Faransiiska Francois Holande ayaa sheegay in ciidamadooda kumandoska ah ay weeraro ku qaadeen dalalka Somalia iyo Mali oo ay ku sugan yihiin Kooxo argagaxiso ah, kuwaas  oo uu xusay iny dhibaatooyin

 

ku hayaan shucuubta ku nool dalalkaas.

Mr. Hollande oo saxaafada la hadlay kadib hawlgal ay ciidamada kumandoska ee dalkiisu ku doonayeen inay kusoo furtaan la hayste kooxda Al-shabaab gacanta ku haysay, balse uu qiray inay ku fashilmeen oo khasaare kasoo gaadhay hawlgalkaa kooxdii fulinaysay ayaa muujiyay cabsida ay dalkiisu ka qabaan  in kooxahaa dagaalyahanka ee ku xidhan ururweynaha Al-Qaacida ay haatan suurtagaltahay inay ku soo jeestaan dalka France, isla markaana weeraro argagaxiso ah ka sameeyaan. sidaa awgeed Mr. Hollande ayaa sheegay in iyagoo khatartaas ka duulaya ay aad u ilaalin doonaan amaanka magaalooyinka dalkaasi iyo muwaadiniintooda intaba.

Madaxweynaha dalka Frence  Francois Hollande ayaa sheegay in Ciidamadda amaanka dalkiisu feejignaan aad u xoogan ay galeen si ay u sugaan amaanka dalkiisa  iyagoo il gaar ah  ku haya goobaha dadku isugu yimaadaan iyo xarumaha ciidamada iyo kuwa dowlada.

Mr. Francois Hollande oo ka hadlay hawlgalka ciidamadiisu ku qaadeen Somalia, wuxuu yidhi,  “Howlgalkii fashilmay ee ciidankeenu ka sameeyeen Somalia anigaa amarkiisa bixiyey,  hase ahaatee nasiib daro waxaaa nooga dhintay labo askari iyo la heystihii ay doonayeen iney soo furtaan ee Dens Allex, laakiin waan sii wadaynaa dagaalka aan kula jirno kooxaha argagaxisada ah, waxa dhacayna nagama niyad jebineyso inaan joojino” ayuu intaa ku daray madaxweyne Francois Hollande.

Dhawaaqa Madaxweynaha Faransiiska ayaa ka danbeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa aad loo tababaray ee dalka France  habeen hore weerar ku qaadeen degaanka Buulo Madheedh oo u dhow Marka, halkaas oo ay Faransiisku sheegeen in lagu hayay Denis Allex oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Faransiiska oo 2009-kii laga qafaashay Muqdisho, waxaana France ay sheegtay in ay ku doonayeen howlgalkaas ka fashilmay in ay ku soo badbaadiyaan ninkaasi, balse la dilay sida ay sheegeen sarkaalka afduubka loo haystay iyo laba ka mid ah kuwii weerarka qaaday.

Laakiin Bayaan shalay ka soo baxay xoogaga Al-shabaab ayaa iyana waxay ku sheegeen inuu weli nool yahay Dens Alex oo Faransiisku sheegay inuu ku geeriyooday howlkaas, iyagoo xusay in lagu hayey meel ka fog goobta faransiisku soo weerareen uuna bad qano, hase ahaatee iyagoo ka jawaabaya weerarka Faransiiska ay labo cisho gudahood go’aan ka gaadhi doonaan mustaqbalka ninka ay hayaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *