somalimemo.netMarka(ANN)Al-Shabaab ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in uu dhintay Sarkaalkii hogaaminayay Ciidamada Kumaandoosta Faransiiska ee habeen hore weerarka kusoo qaaday degmada Buula-Madheedh oo ku taal duleedka Marka.kadib markii uu fashilmay

hawlgal ay doonayeen inay kusoo furtaan Denis Allex oo Al-shabaab u afduubnaa tan iyo 2009.

Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta AlShabaab laguna baahiyay Barta Twitter-ka ee Xarakada ayaa lagu sheegay in ninkan Sarkaalka ah uu dhaawac halis ah kasoo gaadhay Dagaalkii ay Kumaandoosta Faransiisku la galeen Al-shabaab, balse  ay dhaawac ahaan goobta ka qaadeen kadib markii Kooxdii uu watay ee Faransiisku ay ka carareen, kaas oo ay sheegeen inuu saacado ka dib u dhintay dhaawacii soo gaadhay.

somalimemo.net

Al-shabaab waxa ay sheegay in  ay Macluumaad aad Muhiim u ah ka heleen Sarkaalka Faransiiska ah intii uunu dhiman ka hor iyo weliba qalab aad u fara badan oo ay ciidanka uu watay  goobta dagaalku ka dhacay ee Buula-madheedh kaga careen, kaas oo  sida ay sheegeen iskugu jira Qalab Milatari iyo kuwo dhanka Lojistikada ah, isla markaana soo bandhigay Maydkiisa.

somalimemo.net

Dhinaca kale  dawlada faransiiska ayaa qiratay in weerarka la doonayay in lagu soo furto Denis Allex uu guuldaraystay, isla markaana ay kaga dhinteen laba Askari oo ka mid ahaa kooxda Kumaandoosta ee weerarka fulisay, isla markaana ay kooxda Al-shabaab dileen Ninkii ay afduubka u haysteen. Laakiin Al-shabaab ayaa mar kale ku celisay inuu noolyahay ninka u afduubnaa oo ahaa Denis Allex, kaas oo ay sheegay in Hogaanka Sare ee Xarakada Al-shabaab uu go’aan ka gaadhay sidii laga yeeli lahaa Sarkaalkii Faransiiska ah ee Mr. Denis Alex oo ay Saddexdii Sano ee ugu danbeeyay  Gacanta ku hayeen, waxayna xuseen in Go’aankaa laga gaadhay sarkaalkaa  lagu dhawaaqi doono Saacadaha soo socda.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

One thought on “Al-shabaab Oo Sheegtay Inay Go’aan Ka Gaadheen Ninkii Ay Afduubka U Hayteen Soona Bandhigtay Maydka Sarkaal Ay Sheegeen Inuu Watay Ciidanka Faraniiska Ee Doonayay Inay Soo Furtaan Iyo Hub Laga Furtay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *