-
Published On: Tue, Jan 18th, 2011

Talooyin Lasoo Hordhigay Fadhiga Golaha Guurtida Oo Ku Baaqay In Haweenka Saami Kooto Ah Looga Qoondeeyo Kuraasta Iyo Warbixinta Gudida Joogtada Ee Golahaa

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Guddi hoosaadka Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa warbixin ay soo hordhigeen kalfadhiga 43aad ee Golaha kusoo jeediyay  in haweenka Somaliland loo xidho kuraas saami kooto ah oo ay iyagu dhexdooda ku tartamaan. Marka la gaadho doorashada

golaha guurtida, taas oo ay sheegeen inay u fududaynay  inay  haweenku si mugleh uga qeyb galaan dhinaca siyaasadda iyo Hoggaaminta tallada dalka.
Sidaasna waxa lagu  sheegay warbixin dheer oo uu Xoghayaha Guddida Joogtada Naasir Aadan Beegsi ka jeediyay fadhigii golaha guurtida ee maanta.

warbixintaasi waxa kale oo ay kaga xog warameen Guddida joogtaddu kulamo xogwaraysi ahaa oo ay la yeesheen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo saraakiil kale. Nuxurka warbixintaasina waxay u dhignayd sidan:- “Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo ka duulaya Qodobka 6aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Guurtida jsl, kaasi oo tilmaamaya in Guddidani hawshooda shaqo ka mid tahay inay shaqeeyaan muddada u dhaxaysa labada kalfadhi 42aad -43aad ee Goluhu fasaxa yahay,Guddi ahaan kulankii ugu horeeyey ee ay iskugu yimaadeen waxay isla qaateen in fadhigoodan oo ku soo beegmay kala wareegii sanadka 2010-2011.waxay la kulmeen masuuliyiinta dowladda qaarkood kana xog-waraysteen waxqabadkoodii muddada ay xilka hayeen iyo waxa u qarshaysan sanad ka cusub, kuwaas oo kala ah;- 1- Wasiirka Gaashaandhiga. 2- Wasiirka Arrimmaha Guddaha. 3- Wasiirka Caafimaadka. 4- Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta . 5- Gudoomiyaha Haya’adda Shaqaalaha. 6- Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex. 7- Gaboodka Haweenka Nagaad.

I. Xog-waranka Wasiirka Gaashaandhiga . Wasiirka oo Guddida uga xog-waramay Dhacdadii shaqaaqada bariga ee beelaha wallaalaha ah ku dhexmartay kalshaale taas oo loo gurmaday xukuumad ,Golayaal ,Salaadiin iyo Culimoba iyadoo arrintaa gacan weyn ay ka qaateen labadii reer ee xurguftu dhexmartay oo suurto geliyey in aan wax danbe halkaas ka dhicin, waxaa iyana gacan laxaadle Nabad-gelyada ku sugay Ciidanka Qaranka oo illaa hadda halkaasi ku sugan,si dhex ah oo cadaalad ahna ugu guntaday arrintaasi.

Markii gurmadkii nabadu goobta tagay waxay xeer beegtidii halkaasi iskugu timid isla qateen in shareecada islaamka arrintaasi lagu dhameeyo waxaanay culimada arrintaasi ka tallo bixisay ay lahaayeen cidwalba ,balse arrinta dareenka Gole Guurti ahaan keentay ee aad tabaysaan ama Goluhu tabanaayo waa mid ka timid reerkii arrinta laga rabay oo yidhi dibada ha ka joogaan Guurtida iyo wasiiraduba, markii arrinkaasi soo baxay wasiir ahaan waxaanu uga istaaganay inaanaan ku magac qaadin oon la odhan nabada ayey hortaagan yihiin,taasi waxay keentay in go’aankii soo baxay ay dhinac diidaan yidhaahdaana (Appeal)abiilbaanu ka qaadanay.

Gudi ahaan iyo wasiir ahaanba warbintii iyo xog-waranba madaxweynaha waanu siinay taladiina waxay noqotay in dowladda arrintii lagu soo warceliyo qaabkii arrinkaa loo gelilahaana xukuumadda ayaa weli ku hawlan. Dhinaca kale Arrinta punthland iyo dhaq-dhaqaaqa kasoo cusboonaaday waxaa wadda shirkado budhcada oo qowlaysanaaya waddamo kala duduwana isugu jira kuwaas oo ka faa’iidaysanaya inay gurtaan macdanta, in kastoo buunbuunin faro baddanina jirto Somalilnd ahaan aad ayaanu arrintasi isha ugu haynaa, Punthland waxaa lagaga hortagi karaa in dhulkeena xuduudihiisa aan adkayno taxadir fara badana samayno.

Xaga ciidanka waxaa jira tababaro la siiyo ciidamada kuwaas oo ah kuwo cilmiyaysan oo lagu bixiyo dalka dibadiisa iyo gudihiisaba waxa kale oo wasaarad ahaan waanu ka hawl-galay sidii loo diyaarin lahaa derajadii ciidamada waananu dhamaystiray dhawaan ayana la bixin doonaa iyadoo lagu bixin doono sifo sharci ah cidii mutaysataana qaadan doonto.

II. Xog-waranka Wasiirka Arrimmaha Guddaha. Guud ahaan dalku waa nabad balse waxaa jira in dhulkii miyiga ahaa laga soo qulqulaayo magaaalooyinkana aad loo soo gelaayo in kastoo ay jiraan goobo dalka ka mid ah oo ay ka muuqatay astaamo nabad-gelyo xumo sida;-
1-Ceel-bardaale oo arrintiisa gacanta lagu hayo guddina loo magacaabay iyadoo cida ay arrintu khusayso ee siyaasiyiinta labada dhinac arrinkaasi uu madaxweynuhu u yeedhay kana hawl-galeen ugu danbaytiina gudi loo magacaabay hawshaa gasha,arrintaasina si fiican u socoto nabad waartana ay labadii dhinac ee ay khusaysay isla qaateen.

2- Kal-shaale baraago ayaa laysku qabtay anagaa leh deegaanka iyo anagaale ayaa muranku ahaa dilbaa halkaasi ka dhacay, kaasi oo keenay in gurmad Xukuumadu ka gasho,Guurti, Sallaadiin ,culimo iyo dadweyne kalaba waa laga wada hawl-galay,Gudidii xeer beegtida ahayd go’aankii ay soo saareena dhinac baa ku qanci waayey. iyodoo arrintaasi saddex rayi laga soo kala jeediyey fikir ahaan kuwaas oo kala ahaa ;- a. In la dumiyo barkadahaas meesha laga qoday. b. In xerro ciidan laga dhigo goobtaasi. c. In go’aankaas la gaadhay lagu adkaysto oon laga noqon. Arrintaasi tallo bixinteedii madaxweynuhu wuu haystaa isagaana aynu ka sugaynaa wax fiican baana kasoo baxaya insha allah.

3-Qol-qol oo ka tirsan degaanka Oodweyne waxaa in badan ka jiray muran xaga degaanka ah kaas oo ka dhexeeyey beelaha wada dega degaankaasi wasaarad ahaan waanu ka hawl galay ,waxaana arintaasi dhexgalay Salaadiin iyo waxgarad kuwaas oo dhex-dhexaadiyey Go’aana ka soo saaray, kadib waxaa halkaasi yimid in guux ka soo baxay wasaarad ahaana ciidan boolisa halkaas dejinay, qaab maamula go’aankii ku xalinay anagoo shareecada islaamka waafajinay.
4-Hargeysa waxay noqotay magaalo weyn reer Somalilandna Hargeysa ayuu iskugu yimid, Somaliweyn oo laga soo qaxay, Oromo Ethoupia ka soo ququlaysa shaqo la’aan tiisi oo dhalisay dhibaato keentay in tuugtii badato xeerkii nabad-gelyada guud ee la laaleyna ay ka faa’iidaysteen wasaarad ahaan waxaanu xeerkii ku samaynay waxka bedel iyo kaabis kaasi oonu u gudbinay Golaha Wakiilada, inta xeerkaaasi soo baxaayana waxaa lagu shaqeeyaa xeerka ciqaabta iyadoo maxkamado laga furay shanta(5)Degmo ee Caasimada Hargeysa arrintan oo fududaysay in hawlihii nabad-gelyada lagu adkaynayey loo hello hab lagu xoojiyo, waxaa iyana kaalin laxaadle ka qaatay Ciidanka Asluubta oo diyaariyey maxaabiista la xukumo xabsiyadii lagu hayn lahaa oo qalabaysan. Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Gobolkan maroodi-jeex caasimadaa ku taala waana muraayadii wadanka, dadkii reer Somaliland oo dhamina waxay iskugu yimaadeen caasimadda, dadkaa faraha badan ee iskugu yimidna waxay layi maadeen dhaqano iyo dabeecado kala duduwan, way jirtaa in dhawaale tuugtii inay badatay taasooy ka faa’iidaysteen Xeerkii Nabad-gelyadda Guud ee lalaalay ( Public order Law), kaasi oo lahaa laba af mid wanaagsan iyo mid xun, kiisa xun hore ayeynu u soo araganay markii dhinaca siyaassadda loo adeegsaday , balse waxaynu maanta u baahanahay in dhinaciisa wanaagsan aynu adeegsano , waxka bedelkiisii iyo kaabistiisiina Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay u soo gudbisay oo uu horyaal Golayaashiina sharci dejinta, loona baahan yahay in aad deg-deg u ansixisaan si uu kaalinta la tabaayo ee dhinaca Nabad-gelyada Guud u buuxiyo, dhibaatooyinka ugu badan ee Gobolkan ka dhacaana waxay yihiin Tuugta, khilaafka Dhulka iyo Shilalka Gaadiidka.

III. Xog-waranka Wasiirka Diinta Iyo Aw-qaafta. Sida aad la socotaan wasaaradu waxa ay ahayd wasaarad sida ay mudan tahay aan loogu hagar bixin dhinacyada kala duwan ee kala ah;- Dhismaha ay ku jirto oo ka wasaaraddaha ugu liita ahaa. Miisaaniyadda oo ta ugu yar wasaaraddaha ahayd. Shaqaalaha oo tiro ahaan haaseeyey. Qalabka xafiisyada oo aad undanbeeya. Intii yarayd ee aan hadda joogay wasaaradda waxyaabaha noo qabsoomay waxa ka mid ahaa; Xarun weyn oo ku taala shacabka oo nala siiyey.

Markii ugu horaysay ee si toos ah ay wax uga qabato wasaaradu xaaraanta lagu kariyo suuqaqa bishii ramadaan oo aan cidhib tirnay annaka oo kaashanayna mutadawaciinta Guddida wanaag farista iyo Ciidanka booliska.

In laga dhisay madaxtoooyada masaajid jaamac ah oo lagu oogo salaadda jimcaha oo madaxweynaha jsl iyo madaxda dawladu ay ku tukadaan salaada jimcaha oo ah markii ugu horaysay ee salaada jimce lagu oogo madaxtooyada. In aan dayactiray xaruntii wasaaradda qorshayntu ka guurtay Wasaaradaasi dhawaan markii loo dhisay Xarun cusub, halkaasi oo aanu ku sii shaqayndoono inta aan dhismaha xarunta weyn dhamaystirayno. waxa kale oo muddadii aan wasaaradda lawareegay aan safar ugu baxy dalka boqortooyadda sucuudiga Xilligii xajka annaga oo ka hawlgalyna sidii Xajka si gaar ah aan u gudan lahayn waxananu la kulanay isuduwaha Wasaaradda Diinta ee Sucuudiga mandaqadda galbeed oo ah Jidda iyo Maka anagoo kasoo helay deeq hal (1) kontiner oo kitaabka Quraanka kariimka ah wasarad ahaan dib ayaanu ugu noqonaynaa dalka sucuudiga si aanu xidhiidh ula samayno. IV. Xog-waranka Wasiirka Caafimaadka.

Wasiir ahaan muddii aan joogay ee xilka aan hayey oo ah 5 bilood waxaan shaqaalaha wasaarada ka hawlgala oo ah 1433 Shaqaale rasmi ah iyo 500 Shaqaale voluntary ah kuwaas oon ku jirin payroll ka wasaaradda, Shaqaalahan Wasaaradda ka hawl-gala oo leh xirfado kala duwan ,91 dhakhtar,496 qualified nurse ah ,358 kal-kaaliye Caafimaad ah, taasi waxay ku tusaysaa in baahi loo qabo dhakhtaro, sababta oo ah labaatan (20) sanno muddo hadda laga joogo ayaa ugu danbaysay dhakhtaro dalka wax ku bartay arrintaasi waxay keentay in dalka laga furro laba jaamacadood oo kala ah Camuud iyo Hargeysa,oo soo saaray dhakhaatiir jiil cusub ah daboolayna baahiddii aynu u qabnay dhakhaatiir tiro iyo tayaba leh. In kastoo mushaharka ay shaqaalahaasi qaataan aad u yar yahay waxay keentay in xirfadlayaashii aqoonta sare lahaa furtaan xarumo caafimaad oo gaar ah (private canters) oo ay gaar iskaga leeyihiin , cusbitaalada dalkeena ee shaqaalahaasi ka hawl-galaana waa toddoba(7)Cusbitaal oo ku kala yaal lixdii(6) Gobol ee hore iyo Gebilley kuwaas oo ay ku lamaan yihiin Cusbitaalo TB-da ah,raashinka bukaan jiifka cusbitaaladaasi waxaa bixin jirtay haya’adda WFP kaas oo hakad galay balse dib loo billaabi doono bisha jeeniwery 2011.

Waxaa iyana jira 87 MCH oo 50% si qurux badan u shaqeeyaan haya’addo ayaana bixiya gunnada shaqaalaha ka hawl-gala inta kalena imika ayey haya’addo bixinayaan Gunada shaqaalaha ka hawl-gala la siinaayo, wasaarad ahaan waxaan qorshaynay in Haya’addahan baahsan ee dhinaca caafimaadka kaalmeeya, Gobolada dalka midba Gobol ku ee kaato si wax qabad koooda loo arko gobolahaana loola socdo heerka caafimaad iyo baahiyaha jiraa hadba halka ay marayaaan, iyadoo shaqaalaha ka hawl-galaya goobahaasina ay gunada siin doonaan haya’addahaasi gacanta ku haynayaa, muddada ay Gacanta ku ahynayaana waa saddex (3) sanno. aad bay amaan inoogu tahay in aynu noqono Afrika wadankii saddixaad (3) ee shaybaadh casriya oo weyn leh. Dhinaca ollolaha wacyi gelinta ladagaalanka cudurada faafa ee dilaaga ah waxaanu jeclaan lahayn in guurtiddu nagal qayb gasho ollolahaasi maadaama Golaha Guurtidu yahan Gole dhaqan dadkeenana dhaqan ahaan uu ku cusub yahay talaalku. Ugu danbaystii waxaa noo qorshaysan in aanu ka shaqaysiino Baadhista tayada dawada (Quality control) kaas oo lagu baadhi doono dawooyinka dalka soo gelaaya si loo ogaado kuwa aan waxtarka lahayn loona joojiyo, waxaanu rajaynaynaa in dadaalkayaga wax weyn aanu ka qabano adeega caafimaad ee bulshadu tabayso.

V. Gudoomiyaha Haya’adda Shaqaalaha Dowladda. Haya’addan oo qaranka uga wakiil ah shaqaalaha dowlada ,waajibaadkeeduna yahay inay shaqaalaha dowlada Diwaan-geliso, oo ay hayso xog-tooda ,Dalacsintooda ,Erigooda iyo Illaalinta Xuquuqdoooda, markii aan Xafiiskan qabsaday maanhellin xilwareejin shaqaale dhamaystiran ,shaqaalaha dowladuna waxa uu ahaa ; wax shaqaynaayey ,hawl-gab , qaar dhintay iyo caagle, wasaaraddaha hawshoodu aad noogu cuslaydna waxay ahaayeen wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka, haya’addu shaqaalaha ay dowlada uga wakiilka tahay waxay ka hawl-galaan; 20 Wasaaradood, 18 Haya’addood, Baanka, Road Authority, Wakaalada Biyaha, Wakaalada Korontada, iyo Dekada Berbera.

Wax qabadkayaga waxaanu xooga saaray in 1500(oo macalin) sanadkan miisaaniyadda lagu daro oo rasmi laga dhigo, shaqaalaha dowlada 65% Imtaxaan lagama Qaadin ee qiimayn uun bay ahaayeen balse waxaanu imika qorshaynay in Imtaxaan laqaado kaasi oo loo danaynaayo shaqaalaha iyo shaqadaba si fursadaha looga faa’iidaysto ,markii ugu horaysayna waxaanu ku bilawnay shaqaalaha wasaarada maaliyadda anagoo eegaynay in billaw ay u noqdaan wasaaradaha loo magacaabay hawsha Shaqaalaha in kastoo natiijadii Imtaxaankaasi markay soo baxday cabasho ka timid shaqaalihii imtaxaankaasi ku hadhay , waxaa cadayd marlabaadna aan cadaynayaa in qaabka imtaxaankaas loo qaaday oo ahaa mid cadaalada, qofkastana laga qaaday imtixaankii ku haboonaa ee qaybtii uu xirfadeeda ku shaqaynaayey.
iyadoo guddi loo xilsaaray arrimaha shaqaalaha gacantana ku hayey kuwaas oo kala ahaa Wasiirka maaliyadda, Wasiirka qorshaynta ,Wasiirka cadaalada, Wasiirka shaqaada iyo arrimaha bulshada iyo Haya’adda shaqaalaha dowladda.

VI. Kulankii Guddida Joogtada ah iyo Gaboodka Nagaad. Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtidda ayey kulan ugu yimaadeen Gaboodka nagaad 12/12/2010, kulankaas oo daba socday kulan hore oo Gaboodkaasi Nagaad ugu yimaadeen 07/10/2009, Gudiddii joogtada ahay ee hore, kulankaas oo ka dhacay xarunta golaha Guurtidda. Gaboodkan Haweenka oo u hadlaayey bahweynta haweenka Somiland, kana duulayey Qodobada Dastuurka ee 8aad iyo 36aad waafaqsana Shareecada Islaamka oo aan u diideyn haweenka qabasho xilal siyaasaddeed . Gudidda joogtada ah ee Golaha Guurtidu waxay eegeen ayideena qoraalka tallo bixinta ah ee Gudidii ka horaysay ee joogtadu soo jeediyeen oo u dhignaa sidani;- Ka dib Markii aanu Aragnay,

In haweenku yihiin laf-dhabarta bulsho kasta ,una baahanyihiin in horumar laga agaadhsiiyo dhinaca arrrimaha bulshadda, sida kor u qaadista aqoonta sare ee haweenka. Ka dib Markii aanu Daraasadaynay,dhibka haweenka hortaagan,waxa lagama maarmaan noqotay in haweenku helaan tix-gelin kana qayb galaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka (dawladaha hoose iyo Golayaasha Sharci dejintaba ) taasi oo loo baahan yahay in kaabid iyo waxka bedel lagu sameeyo Xeerka doorashooyinka , gaar ahaan qodobkii soo jeedinta ahaa ee u ogolaanayey dumarka kootadda (Qouta),iyadoo kootadaasi loo qoondaynayo Muddo (Afar xilli doorasho illaa Siddeed xili doorasho) saamiga laga siinayaana noqdo 25%, muddadaasina kor loo qaado aqoonta haweenka maadaama ay yihiin dad dib-u dhacweyni ka haysto arrimahaasi, waxaanay Gudidaasi ku soo ururisay tallo bixintan:-

In Gole Guurti ahaan,baarlamaan (Parliament) ahaan iyo Xukuumad ahaanba laga wadda hawl-galo sidii arrimaha haweenku ka cabanayaan wax looga qaban lahaa gaar ahaan ka qayb-galka doorka siyaasaddeed ee dalka.
In dumarka loo ogolaado kooto(Qouta), kaabis iyo wax-ka bedela lagu sameeyo Xeerka doorashooyinka Xeer No:- 20/2001. Gebo-gebadii, Gudida joogtada ah ee Golaha Guurtidu waxay u gudbiyeen Shir-gudoonka Ajande ka kooban toddoba (7) Qodob oo Gudiddu u aragtay kalfadhigan in laga doodo ay muhiim tahay.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>