Hargeysa(ANN)Ciidamada amaanka Somaliland ayaa hawlgalo balaadhan oo ay wadeen maalmihii u danbeeyay kusoo qabtay koox kale oo lala xidhiidhiyay inay qayb ka ahaayeen shan Nin oo todobaadkii hore magaalada Burco laga soo qabtay, kuwaas oo la rumaysan yahay inay ka tirsan yihiin

kooxda Al-shabaab ee Koonfurta Somalia ka wada dagaalada, isla markaana ay wadeen qorshe la doonayo in hawlgalo ka dhan ah nabadgelyada laga fuliyo  Somaliland, balse ay ka war heleen Sirdoonka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa horaantii todobaadkan sheegtay inay gacanta ku dhigeen shan Nin oo maleegayay falal aragagixiso. Sida uu saxaafada u xaqiijiyay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Guddaha Somaliland. Cismaan Garad Soofe, balse hawlgalo kale oo ka danbeeyay ka lagu soo qabtay shantaa nin oo ay meelo kala duwan ka fuliyeen ciidmadda amaanka Somaliland ayaan la ogayn ilaa hada tirada dadka lala xidhiidhiyay kooxdaa ee lagu qabtay.
Hase yeshee sida ay tibaaxo laga helay saraakiisha amaanku u sheegeen shebekadda Araweelonews, waxay ciidamadu qabteen tirooyin dad ah oo la rumaysan yahay inay qayb ka yihiin kooxdaa hore, kuwaas oo Afar ka mid ah  maanta loo soo  gudbiyay dhinaca magaalada Hargeysa, halka laba kale oo ka mid ah kooxdaa shalay la keenay magaalada Hargeysa,  isla markaana xabsiga toos loogu gudbiyay iyadoo si weyn loo ilaalinayo dhamaantood.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda Afarta ah iyo laba kale oo qayb ka ahaa shantaa  nin oo todobaadkii hore lagu qabtay magaalada Burco ay firdhadeen markii ay ka war heleen in gacanta lagu dhigay saaxiibadood, balse ay ciidamada amaanka oo ku raad joogay kusoo qabteen Afar ka mid ah deegaanka miyiga ee dhinaca Barri kaga beegan xarunta gobolka Togdheer ee  Burco. halka labada xubnood ee kalena maalintii shalay laga soo qabtay meel u dhow deegaanka Baligubadle ee hawd koonfureed ee magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada shaacin tirada dadka lala xidhiidhiyay kooxda ay todobaadkan horaantiisii ku qabatay magaalada Burco oo ay sheegeen inay ahaayeen shan xubnood, iyadoo ay ciidamada amaanku hawlgalo meelo kala duwan laga fuliyay kusoo qabqabteen dad kale oo kooxdaa inay ka tirsanaayeen la rumaysan yahay. Kadib markii ay Ciidamada amaanku qaadeen hawlgal dhinaca cirka laga hagayay oo ku raad joogay kooxdaa gacanta ku dhigeen shan Nin Afar ka mid ahi u dhasheen Somalia iyo nin u dhashay Somaliland oo ka tirsanaa saraakiisha shirkadda Telesom (Ex-Barrakaat), kuwaas oo dhamaantood xabsiga loo taxaabay, iyadoo lagu eedeeyay inay qorshaynayeen inay hawlgalo falal aragagixiso ka fuliyaan Somaliland. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *