Berbera(ANN) Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Qaybta Berbera ee ciidammada bileyska Cabdi Muuse Cabdillaahi, waxaana Taliyaha Bilayska loo magacaabay
Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahin. Munaasibad ay labadaa masuul xilka kula kala wareegeen oo maanta ka dhacday xarunta Taliska Bilayska ee Berbera, waxa kasoo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo hoggaanada ciiammada Bilayska.
Taliyihii hore Cabdi Muuse ayaa si weyn ugu soo dhaweeyey Taliyaha cusub ee uu xilka ku wareejiyay, wuxuuna ka warbixiyey xaalada ammaanka iyo hawlaha horyaala Taliyaha cusub, isla markaana waxa uu xusay in ammaanka magaalada Berbera uu marayo meel fiican oo ay dadka shicibka ah wada shaqayn leeyihiin ciidanka. i .
Taliyaha cusub oo laga soo bedelay magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag, ayaa ballanqaaday inuu dedaalkii hore ee Taliyaha halkiisii ka sii wado doono, wuxuuna ka codsaday shacbiga inay gacan ka siiyaan hawlaha dhinaca nabadgelyada.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380