Hargeysa(ANN)Taliyihii sirdoonka Somaliland Xuseen Keenyaati ayaa is casilay, isla markaana  u gudbiyay shalay qoraalka is casilaadiisa Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay warar ku dhow dhow madaxtomaliland.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee uu taliyaha sirdoonka Somaliland isku casliay, balse waxa jira tibaaxo hordhac u ah sababta is casilaadiisa oo sheegaya inuu ka cadhooday joogitaanka siyaasiga Somaliweynta ah eek u sugan Somaliland Cismaan Kaluun, balse warar kale oo la xidhiidha iscasilaada ayaa sheegaya inuu Mr. kenyaati ka cadhooday fara gelin dhinaca Madaxtooyada kaga yimi oo la xidhiidha shaqadiisa.
Madaxweyne Siilaanyo ayay tibaaxaha  laga helay dhinaca madaxtooyadu sheegayaan inuu aqbalay qoraalka Mr. kenyaati, balse waxa kale oo jira warar sheegaya inuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo guddi ka tirsan xukuumadda u saaray arrintaa.
  Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo aqbalay iscasilaada, isla markaana uu xilkaa saacadaha soo socda  u magcaabayo Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ahaa saraakiishii seeska u dhigay xoogagii milateri ee SNM, waqtigana ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, isagoo ahaa Afhayeenka Xisbigaa. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo xilkaa u magcaabo   Col, Cabdi Yuussuf (Cabdi Dhegaweyne), kaas oo ahaa sirdoonka dawladii Somalia, isla markaana ka mid ahaa saraakiishii SNM. Halka warar kalena sheegayaan in  Hase yeeshee waxa iyana jira warar sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo danaynayo inuu dib ugu celiyo xilkaa Mr. Kenyaati.

Si kastaba ha ahaatee Mr. Kenyaati aayaa noqonaya sarkaalkii u horeeyay ee iska casilay xukuumadda Axmed Siilaanyo ee saddexda bilood jirtay, isla markaana Mr. Kenyaati wuxuu tiraba sadex goor iska casilay maamulkii madaxweyne Rayaale, kaas oo ugu danbayntii ka aqbalay 2008.
 Is casilaada Taliyaha Sirdoonka iyo wararka la xidhiidha sababaha dhabta ah waxanu idiinku soo gudbin doonaa wararka danbe
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *