Cadaado(ANN) Lamaanihii Reer Britain ee mudada dheer oo ka badan sannad Af-duub loogu haystay deegaanka Cadaado ee Koonfur Barri Samalia ayaa la sii daayay maanta. Subaxnimadii hore markii xoriyadoodii loo soo celiyay ayaa loo duuliyay dhinaca Magaalada Muqdisho, halkaas

oo lagu wareejiyay dawlada taagta daran ee Somalia.
 
Lamaanahaa ayaa koox Budhcad badeed ahi ka qabsadeen xeebaha Somalia iyagoo waqtigaa ku jiray Dalxiis, kuwaas oo dalbaday in madax furasho laga siiyo, taas oo ay ku gacan saydhay dawlada Britain, isla markaana kooxo Soomaali ah oo qurba jooga ayaa isku deyay inay lacag madaxfurasho ah bixiyaan si lamaanahaa loogu soo celiyo xoriyadoodii, balse taasna waxa ku gacan saydhay dawlada Britain. Iyadoo ay kooxaha Af-duubay lamaanahaasi ku iska dhega tireen baaqyo hore loogu jeediyay oo ahaa in lasii daayo lamaanahaa oo xoriyadooda loosoo celiyo.
Sii deynta waqtigan ee  Paul and Rachel Chandler ayaan la sheegin in wax madax furasho ah laga bixiyay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in laga bixiyay lacag soo deyntooda, balse Madaxweynaha Maamulka ximan Iyo Xeeb Maxamuud Tiiceey ayaa u sheegay BBC qaybteeda somaliga inaan wax madax furasho ah laga bixin sii deynta labadaa ruux, isla markaana wuxuu u mahad celiyay dadka deegaanka oo uu sheegay inay gacan weyn ka geysteen sii deynta labadaa ruux ee Britishka ah. Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay sii deyntooda.
Waxa la filayaa inay lamaanaha Reer Britain u duulaan dhinaca Dalka Kenya, halkaas oo looga sii gudbin doono dalkoodii Britain. Sii deynta lamaanahaa ayaa noqonay mid si weyn loo soo dhoweeyo.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *