Garoowe(ANN) Maamulka Puntland ayaa ku hanjabay inuu ka goosanayo Dawlada Federaalka ee taagta daran, isla markaana ay xidhiidhka u jarayaan inay la macaamilaan Hay’adaha magac u yaalka ah ee DKG ah.  Kadib markii wakiilka Madaxweyne Shariiif qoraal uu u qoray dawlada Maraykanka

 oo lagu daabacay mid ka mid ah Wargeysyada kasoo baxa maraykanka lagu daabacay qoraalkaa, kaas oo si weyn uga cadhaysiiyay Maamulka Faroole. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maamulka Puntland
Waxa kaloo qoraalkaa maamulka Garoowe kasoo baxay lagu sheegay in Saraakiisha u shaqeeya Ha’yadaha caalamiga ah iyoDublamaasiyiinta kasoo jeeda isir ahaan Puntland lagu hayo caga juglayn iyo hadidaad joogto ah
Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Maamulka Puntland ee Garoowe ayaa u qornaa sidan;- 1.Puntland waxay ka wal wal qabtaa fulin la’aanta heshiiskii Gaalkacyo ee 23/August/2009 lagu gaarey.
2.Puntland waxay ka walwalsan tahay rabitaan la’aanta ay ka caga jiidayso dastuurka qabyada ah ee Dawladda Federaalka.
3.Puntland waxay ka argagaxsan tahay khilaafka soo noqnoqday ee Dawladda Federaalka,isla Madaxweyne Shariif uu udub dhexaad ka yahay taasi oo khal khal galinaysa wax ku oolnimada Dawladda Federaalka.
4.Dawladda Puntland waxay si aada uga walwalsan tahay Dhaqanka khariban ee DKMG ah ay kula dhaqanto Puntland marka laga hadlaayo arimaha horumarka ee la xiriirra masraxa diblumaasiyadeed,iyagoo had iyo jeer u caga jugeeyo saraakiisha sar sare oo u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah iyo diblomaasiyiin oo isir ahaan kasoo jeeda Puntland.
5.Dowlada Puntland waxay aad uga xuntahay warbixintii wakiilka Madaxweynaha Soomaaliya ee wadanka Maraykanka uu ku qoray Wargays ka soo baxa magaalada Washington (Huffington Post) 05/November/2010 oo ku saabsan isbedelka siyaasadeed ee Dawlada Maraykanka ee ku aadan in ay si toosa ula shaqaynayso maamulada ka jira dalka Soomaaliya.6.Dawlada Puntland waxay wal wal ka muujinaysa taageerada iyo marti galinta shaqsiyaad ehel u ah kuna haminaaya in ay khal khal galiyaan amaanka mandaqada oo dhan.
 Mahadsanidiin Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland”

.
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *