Mogadihsu(Araweelo News Network)Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa kulan ay yeesheen saaka ku go’aamiyay in

 

xilka laga qaado Taliyihii Sirdoonka Somalia Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe). Kadib markii Raysal Wasaare Cabdiweli ka dalbaday golihiisa wasiirada.

Taliyaha Sirdoonka, waxa xilka qaadista lagu sameeyay lagu xidhiidhiyay khilaaf dhexmaray isaga iyo raysal Wasaaraha oo sababay in ay is weydaarsadaan ereyo aflagaado ah oo ka baxsan anshaxa iyo masuuliyada.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Sirdoonku shalay xabsiga u taxaabay Xildhiban ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo aan weli magaciisa iyo waxa loo haysto la shaacin, taas oo lala xidhiidhiyay in ay isku maandhaafaan raysal wasaaraha iyo taliyaha Sirdoonka, isla markaana taliyaha Sirdoonku weedho aflagaado ah si badheedh ah ugu weeraray raysal waasaraha.

Xilka qaadista taliyaha Sirdoonka Somalia, ayaa kusoo beegnatay xili dawlada Somalia ku jirto dhufays, iyadoo ka cabsiqabta in Ururka Al-shabaab sameeyaan weeraro ay ugu aargudayaan hoggaamiyohoodii la dilay  Axadii 1 Sep 2014. Kadib markii isaga iyo saraakiil kale Maraykanku la beegsaday gantaal dhinaca Cirka ah, xiligaa oo ay marayeen laba gaadhi oo ay saarnaayeen meel dhinaca Muqdisho 180myl kaga beegan dhinaca Koonfureed.

Al-shabaab oo xalay xaqiijiyay geerida hoggaamiyohoodii Axmed Godane Abu Zubayr, ayaa doortay Hoggaamiye cusub oo lagu magcabo Axmed Omar Diiriye Abu Cubayda, waxayna balan ku qaadeen in ay u aargudi doonaan dilka loo geystay hogaamiyohoodii, isla markaana waxay bayaan ay soo saareen oo ay arrimahaa kaga hadleen ku sheegeen in aanay waxba iska bedelayn halganka jihaadiga ah ee ay ku jiraan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *