Mogadishu(Araweelo News Network)Xarakada Al-shabaab ayaa xalay soo saartay bayaan ay ku sheegtay Hoggaamiye cusub oo loo doortay Ururkaa. Kadib markii Axadii 1 Sep 2014, gantaal dhinaca Cirka ah lagu dilay Amiirkii Al-shabaab

Axmed Cabdi Godane oo adeegsan jiray Magaca Sheekh Muqtaar Abu Zubayr iyo Laba sarkaal oo kale, kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin.

Al-shabaab waxay sheegtay in Hoggaamiyaha cusub loo doortay Ahmed Ommar Abu Ubayda, isla markaana uu Ururkaa ku hogaamin doono sida ay sheegeen dhabihii uu jeexay Amiirkii hore Muqtaar Abu Zubayr.

Hoggaamiyaha Cusub ee Al-shabaab, ayaa noqday mid aan wax badan laga ogayn Noloshiisa, shaqsiyadiisa iyo aqoontiisa, isagoo aan ka mid ahayn saraakiisha Al-shabaab ee magacyadooda la hayay iyo kuwa dawlada Maraykanku ku qoratay Liiska waxa ay ugu yeedho Argagixisada caalamiga ah.

Tafaftiraha shebekadda Araweelo News Network  Carraale M. jama oo wax ka qora  arrimaha dhaq-dhaqaaqyada Islaamiga ah ee Jihaadiga ah, ayaa warbixintan kasoo ururisay xoggo iyo macluumaad la xidhidha hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab.

“ Hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, Ahmed Omar Abu Ubayda, waxa lagu qiyaasay inuu ku dhashay dhulka Soomaalidu degto ee Ethiopia 1970,  wax badan lagama ogga halka uu waxbarashadiisii kusoo qaatay, balse wuxuu ka mid ahaa dadkii deegaanka Luuq Jeeloow ku ahaa Qoxootiga xiligii Dawladii Maxamed Siyaad Bare.

Ahmed Omar Abu Ubayda, waxa xoggaha teel-teelka ah ee la xidhiidha Taariikhdiisu sheegayaan inuu Magaalada Muqdisho yimi qiyaastii muddo yar ka hor markii ay bur-burtay Dawladii Somalia, xiligaa oo ku beegnayd sagaashanaadkii, isagoo ku biiray ururkii Jihaadiga ahaa ee Al-itixaad oo waqtigaa qorshaynayay inuu qabsado Somalia.

Magiciisa rasmiga ah waa Axmed Diiriye Cabdikariim, balse wuxuu adeegsadaa Magacyo badan sida Ahmed Omar, Ahmed Dheere, Mahad Omar Diriye iyo magacyo kale sida Abu Cubayda, wuxuuna Tababar dhinaca Milateriga ah kusoo qaatay sagaashanaadkii Dhoobley oo ka tirsan Koonfurta Somalia.

Xoggaha iyo macluumaadka la xidhiidha noloshiisa, ayaa sheegaya in markaa ka dib uu ka mid noqday Aasaasayaashii Guutadii Khaalid Binu Waliid ee Kismaayo, taas oo qayb ka ahayd Malayshiyadii uu hogaaminayay Xasan Turki ee Raaskaanbowni, balse mudadii uu joogay deegaanka Kismaayo uu noqday Macalin Madarasad ay ka aflaxaan dhalinyarada lagu shubay Fikirka Wahaabiga, iyadoo mudadaa aad looga bartay deegaanka Kismaayo.

Ahmed Omar Abu Ubayda (Ahmed Diria Abdikarim), sida xoggaha la xidhiidha taariikhdiisa iyo noloshiisa sheegayaan, wuxuu ka mid noqday dhalinyadii Saxwada Wahaabiga muddo ku jiray ee qaatay Manhajka Takfiiriga.

Hase yeeshee xiligii kacdoonkii Maxkamadda Islaamiga ah 2005, wuxuu ka mid noqday saraakiisha Maxkamaddaha Islaamiga ee safka hore kaga jiray kacdoonkaa Islaamiga ah, iyadoo  Al-shaabab oo xiligaa ahayd unug yar oo aan si weyn u shaac bixin waqtigaa ay ku dhex jireen Maxkamaddaha Islaamiga ah.

Ahmed Dirie Omar, wuxuuna wakiil uga ahaa Maxkamaddaha Islaamiga xiligaa Maktab Al Dacwa.  Burburkii Maxkamaddii Islaamiga ahaa, wuxuu noqday wakiilkii Al-shabaab ee Jubooyinka, gaar ahaan Jubada Hoose, waxaana muddo ka dib loo bedelay Wilaayadda Bay iyo Bakool ee Al-shabaab, balse mar kale ayaa loo bedelay inuu noqdo Madaxda Gudoomiyayaasha Gobolada Wallaayada Islaamiga ee Al-shabaab ay Maamusho.

Wuxuu kasoo qayb qaatay dagaalo baddan mudadii uu ku jiray Al-itixaad iyo kuwo Al-shaabab ka gashay deegaamo kala duwan, waxa uu ahaa shaqsiyaad kooban oo lagu tilmaamo in ay Amiir Ahmed Cabdi Godane baalal u ahaayeen, isagoo astaamo yar ka shabaha, ama la wadaaga Sheekh Muqtaar Abu Zubayr oo ay iskaga mid ahayeen taxadirka iyo feejignaanta oo xataa aanu dhexgelin Al-shabaabta kale ee ay ku wada jiraan dagaalka, wuxuu si weyn uga taxadiraa in wejigiisa la arko, ama sawiro laga qaado. Sidoo kale waxa lagu tilmaamaa nin madax adag oo mawqifkiisa ku adag. Laakiin waxa la saadaalinayaa in ay adagtahay in Al-shabaab ay hesho hogaamiye buuxin kara kaalintii adkayd ee Amiirkooda la dilay, kaas oo ahaa Baaliqi ah oo ku xeeldheer Diinta, Aqoonyiisa maadiga ahaydna dhisantahay, isla markaana shaacir ah oo mawqif adag iyo dhiiraan isku darsaday. Sidaa awgeed hoggaamiyaha cusub aanu ahayn nin waqtigan marxalada adag ee uu waajahay Ururka al-shabaab ka saari kara, iyadoo hoggaamintiisu kusoo beegantay khilaaf muddo dheer soo taxnaa oo kala qaybiyay hoggaanka, isla markaana ay Al-shabaab ku weyday xubno muhiim ahaa iyo geerida hoggaamiyohoodii mudada dheer soo hogaaminayay oo ay waayeen.

Abu Ubayda, waxa lagu tilmaamaa inuu sabab u ahaa dilkii Hoggaaiyaashii Amiirku khaarajiyay ee saaxiibada dhow ahayeen sida Abubakar Al Saylici (Ibraahin Afgaani), Omar Hammama (Al- Aameriki), Bilaal Barjaawi iyo kuwo kale oo ay nolosha ku kala fogaadeen Abu Zubayr ka hor intii aan la dilin.

Ahmed Dirie Abu Ubayda, wuxuu mararka qaar ahaa shaqsiyaadka khusuusiga ah ee Amiirku la tashanayay marka arrimo adag yimaadaan, waxayna arrimahaa iyo kuwo kale sababeen inuu dabeecadihii Amiirkooda Muqtaar Abu Zubayr (Axmed Cabdu Godane) yeesho, wuuxna ugu danbayntii noqday la Taliyaha khaaska ah ee Amiirka uu dhaxlay.

Abu Ubayda, waxa soo raacayay oo ka mid aha ragga muddooyinkii u danbeeyay ka ag dhowaa Amiirka Saraal sare oo magaciisa lagu sheegay Axmed Abudul Khadir, kaas  oo loo yaqaanay (Isku Dhuuq) oo ka mid ahaa Baalasha Amiirka Axmed cabdi Godane, balse Janaury 2014 lagu dilay duqayn dhinaca cirka ah ee Maraykanku la beegsaday. Dilka hogaamiyaha ayaa la rumaysanyahay in ay fure u ahayd gelistii Buula-madheedh iyo geerida uu waajahay Abdul Khadir oo ahaa tiirarka adag iyo Baalasha Godane.

Si kastaba ha ahaatee Al-shabaab waxay weyday Hoggaamiye Mucjiso ahaa, kaas oo dadka ka faallooda arrimaha kooxaha Jihaadiyiinta ah qaarkood ku tilmaameen inuu dad badan iyo dunidaba xusuusiyay Seyid Maxamed Cabdule Xasan oo ahaa hoggaamiye wahaabiya oo dagaal Jihaad ah la galay Mustacmaradii Boqortooyadii Britain 1895 – 1920kii.

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
1
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *