Hargeysa(Araweelo News Network)Al-shabaab ayaa xaqiijisay geerida hogaamiyohoodii, isla markaana doortay hogaamiye cusub. kadib kulan ay ka yeesheen cidii bedeli lahayd Axmed Cabdi Godane oo

 

 

Maraykanku  saacadihii lasoo dhaafay  ku adkaysanayay in ay dileen  Axmed Cabdi Godane oo adeegsan jiray magaca Muqtaar Abuu Zubayr. Kadib 1 Sep gantaal dhinaca Cirka ah oo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku la beegsadeen Kolanyo dhawr gaadhi oo Al-shabaab ah, kuwaas oo habeenkii Axadii u socday dhinaca Baraawe.

Haseyeeshee Al-shabaab ayaa xaqiijisay geeridaa, waxayna sheegeen in hogaamiye cusub loo doortay  nin lagu magcaabo Axmed Omar oo ku magacdgeer Abu Cubaydah, sidaana waxa lagu sheegay qoraal ay Al-shabaab kaga hadashay geerida hogaamiyohoodii oo ay sheegeen in aan la iloobi doonin.

hogaamiyaha cusub ee Al-shabaab ayaan ilaa hada wax badan laga ogayn, kaas oo magaciisa aan hore loogu arki jirin madaxda sare ee A-shabab.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ku cel celisay hanbeenkii Jimcihii todobaadkan in Axmed Godane uu ku dhintay weerarkii ay dayuurad Drone ah uu Mareykanku leeyahay ay la beegsatay Isniintii la soo dhaafay meel waqooyiga kaga beegan magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha  Hoose.

Afahyeen u hadlay todobaadkii hore wax yar ka dib weerarkaa Maraykanka, ayaa sheegay in weerarkaa lagu dilay Hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale, balse mar kale ayuu Maraykanku sheegay in aanay xaqiijin Karin inuu ku dhintay weerarkaa oo sida ay sheegeen ujeedada ay ka laahaayeen ahayd in lagu khaarajiyo Godane.

Al-shabaab waxay hore u sheegtay in weerarkaa ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan Ururkooda oo gaadhaya Lix sarkaal, balse waxay sheegeen in hogaamiyohoodu aanu qayb ka ahayn Kolanyada.

Hase yeeshee markii la shaaciyay Magacyada Lixdaa sarkaal waxa soo baxday in mid ka mid ah uu ahaa Maxamed Abuu Shaam oo ahaa Gacan yarahii Axmed Cabdi Godane  oo loo yaqaano Muqtaar Abuu Subeyr, waxayna markaa kadib Wasaaradda Difaaca ee Mareykanku sheegtay in Hogaamiyihii Al-shabaab lagu dilay weerarkaa, isla markaana bartilmaameedkoodu ahaa isaga.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa shaacisay Taariikh nololeedkii Hogaamiyaha Al-shabaab ee Maraykanku sheegay in ay dileen, balse xarakada Al-shabaab  waxaana markaa ka dib  soo baxay warar laga soo xigtay Saraakiil Al-shabaab ah oo sheegay in Hogaamiyohoodu la socday Kolanyada gaadiidka ee gantaalka lala beegsaday, kuwaas oo watay laba gaadhi oo gantaalku haleelay oo raq iyo ruux aan la hayn saraakiishii saarnayd, balse laga xusay dadkii la socday Lix ka mid ahaa hogaamiyayaasha Al-shabaab oo uu ku jiray Amiirkooda Axmed Godane.

Dowladda Mareykanku waxay sheegtay in ay  sii wadi doonto taageerada ay u fidiso  dowladda Somalia iyo ciidamada kaabaya ee Midowga Africa, kuwaas oo dagaal kula jira Al-shabab.

February 2008, ayay dawlada Mareykanku Ururka Al-shabab ku dartay liiska ururada Argagixisada, waxayna markaa ka dib shaacisay in Hogaamiyaha al-shabaab Axmed Cabdi Godane madaxiisa dul dhigtay $ 7, 0000, 000, (todoba malyuun oo dollar).

Axmed Cabdi Godane oo ahaa nin dhalinayo ah oo kasoo jeeda Somaliland, wuxuu ku dhashay Hargeysa 1968, wuxuuna waxbarashadiisii hoose ku qaatay Hargeysa, balse waxa uu waxbarasho Jamacadeed u tegey dalalka Sucuudiga Iyo Pakaistaan, halkaa oo uu kusoo qaatay mabaadiida iyo fekerka Jihaadiga ah ee ay wateen isaga iyo saaxiibo kale oo hogaamiyihii A-Qaida Osama Binu Laden u arkayay in yihiin dhalinyaro fir-fircoon oo meel marin kara halganka iyo afkaarta uu rumaysnaa.
Godane, waxa uu soo bartay Dhaqaalaha iyo maamulka, wuxuuna noqday Hogaamiye dhalinayaro ah oo si weyn uga yaabiyay aduunka, wuxuuna mudadii uu Al-shabaab xukumayay ahaa nin awaamiirta uu bixiyo aan cidna hor istaagi Karin, taas oo sababtay in uu qoorta ka jaro dhawr hogaamiye oo ay saaxiibo dhow ahaayeen kadib markii ay iska hor yimaadeen.
Suugaan iyo gabayo, ayuu inta badan u adeegsan jiray qudbadihiisa, kuwaas oo muujinayay balaaqadiisa iyo hadafka dagaalka uu kula jiro Ururkiisu Ciidamada AMISOM , Dawlada Somalia iyo wadamada reer galbeedka, isagoo mar walba taageero u muujin jiray Ururada Jihadiga ah ee ka jira dacalada aduuunka oo guul u rajayn jiray, isla markaana Ururkiisa al-shabaab dhawr sanadood ka hor ku daray ururweynaha Al-qadia.

Mudadii uu hogaaminayay Al-shabaab, marka laga yimaado weerarada uu ku hayay Ciidamada AMISOM iyo Dawlada Somalia iyo haya’addeheeda, wuxuu weeraro si weyn dunida uga yaabiyay oo loo arkayay in ay fashiliyeen mukhaabaraatka reer galbeedka ku qaaday dalka Kenya iyo Uganda, kuwaas oo khasaare weyn dhaliyay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *