Hargeysa (ANN)- Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka Somaliland Maxamed Nuur oo  si qarsoodi ah dalka uga baxay todobaadkii hore ayaa dib ugu soo laabtay maalintii doraad. ma jiraan warar kasoo baxay dhinaca xukuumadda madaxweynaha la doortay iyo madaxweynihii laga guulaystay oo shaacinaya sababta  Taliayaha  sirdoonka iyo sarkaalkii weheliyay oo ahaa khasnajiga Ha’yadaa Maxamed Cali Baadiye dib loogu soo celiyay.

LaakiinTaliyaha iyo sarkaalkaa ayaa todobaadkii hore kaga  baxay dalka safar qarsoodi ah oo dareen shaki leh abuuray, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Taliyaha sirdoonku ka codasay madaxweynaha la doortay fasax gaaban oo nasasho ah, Balse  sida ay waqtiigaa baahisay shebekada wararka ee Araweelonews.com oo soo xiganaysay dad ku dhowaa Taliyaha siirdoonka ay u xaqiijiyay in taliyahii Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur oo ay wada socdeen Nin lagu Magcaabo Maxamed Cali Baadiye oo ka tirsanaa sirdoonka, isla markaana ahaa khasnajiga Hay’ada sirdoonka  lagu hakiyay xuduuda wajaale iyagoo doonaya inay u talaabaan dhinaca Ethopia oo watay mid ka mid ah gaadiidka sirdoonka. balse uu Taliyaha Bilayska Somaliland Sanqadhi Dubad ka sii daayay, maadaama aanu  askariga qabtay waqtigaa haysan amar ah inuu qabto. laakiin uu dareen shaki ku abuuray gaadhiga ay Taliyaha iyo ninkaa kale wateen, taas oo xidhiidh la lahayd amarka lagu amray Bilayska inay ilaaliyaan gaadiidka la doonayo in lala baxsado xiligan kala guurka labada xukumadod.
Hase yeeshee Taliyaha Sirdoonka iyo sarkaalka la socday ayaa dalka kusoo laabtay maalintii khamiistii doraad, kadib markii sida ay shebekada araweelonews u xaqiijiyeen warar ku dhow dhow soo noqoshadoodu ka danbaysay codsi ay kaga dalbadeen safaarada Britain ee dalka Ethopia oo ay weydiisteen magangelyo siyaasadeed, taas  oo u suurta geliweyday mudadii ay ku sugnaayeen xarunta dalka Ethopia ee Adis-ababa.
Waxaana Taliyaha iyo sarkaalka weheliyay dib loogu soo celiyay dalka, iyadoo ay wadaan saraakiil ka tirsan safaarada Britain ku leedahay halkaa. Kadib markii safaaradu diiday inay siiso magangelyo siyaasadeed, isla markaana lagu war geliyay inaanay jirin sabab loo siiyo magangelyo maadaama ay ka yimaaden dal yar oo aan haysan wax aqoonsi ah. Sidoo kalena aanay muuqan wax ku khasbaya inay magangelyo weydiistaan Dalka Britain, sidaa awgeedna ay Somaliland oo ku guulaysatay inay qabato doorashooyin six or iyo xalaala u dhacay ay xiligan ku jirto waqti kala guur oo madaxweynaha cusub ee la doortay iyo madaxweynihii hore xilka la kala wareegayaan dhowaan, taas oo dawlada Britain oo si weyn u taageertay doorashooyinkii Somaliland ay talaabadan oo kale aqbalaadeedu noqnayso mid minja xaabinay nidaamka kala guurka, maadaama taliyaha sirdoonku ka tirsan yahay maamulka xilka lagala wareegayo maalmaha soo socda.  
Saraakiisha ka socotay safaarada Britain oo watay diyaarad khaas ah, isla markaana kasoo degey madaarka magaalada Hargeysa, waxay maanta la kulan albaabadu u xidhan yihiin kula yeesheen huteelka Maansoor ee magaalada hargeysa madaxweynaha la doortay ee aan weli la wareegin xilka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay kulankaa, balse waxaa la rumaysan yahay in waxyaabaha saraakiisha Britain iyo madaxweynaha cusubi ka wada hadleen ay ka mid ahayd soo celinta taliyaha sirdoonka Somaliland.
Talaabada uu dalka kaga baxay taliyihii sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur waa mid daaha ka feyday cabsi iyo dareen ka dhashay dhagaro iyo shirqoolo dalka ka dhacay mudadii uu taliyaha sirdoonka ahaa oo ay jireen waxyaabo tuhun abuuraya dhacdooyinka shirqoolada ka dhacay Somaliland, kuwaas  oo warbaahinta qaarkeed baahiyeen, balse shebekada Araweelonews si gaara u baahisay, waxaana si weyn loo xusuusan yahay dilka taliyihii ciidanka qaranka ee Laascaanood Col Yuusuf Nuur oo loo qabtay taliyihii sirdoonka gobolka Sool, kaas oo ay ugu danbayntii maxkamadda gobolka saaxil ku xukuntay isago shaqsiyaad kale dil. markii ay ku cadaatay inay shirqoolkaa u maleegeen Taliyahaa.
iyadoo watigaa uu taliyaha sirdoonku si badheedha u difaacayay eedaysanaha koobaad ee ahaa taliyihii sirdoonka sool.
dhinaca kale waxa jira dareeno la xidhiidhay  socdaalka  qarsoodiga ahaa ee taliyihii sirdoonka somaliland ee waqtigan kala guurka, taas oo si weyn dhabar jab iyo fadeexad ugu ah maamulka madaxweynaha lagaga guulaystay doorashada ee aan weli xilka wareejin. sidoo kale waxa suurta gal ah inay talaabadani daaha ka feydo fadeexado iyo qorshayaal shirqool oo hore uga dhacay Somaliland iyo kuwo ay suura gal tahay in la fuliyo xiliyada dhow ee soo socda.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *