Kulan Maanta Dhexmaray Wefdi Ka Socda Safaarada Britain Ee Adis Ababa Iyo Siilaanyo

 Hargeysa (ANN)Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, oo aan weli la wareegin xilka ayaa beeniyey inuu  magacaabay wasiirro hordhac ah oo  ka tirsan xukuumda uu soo dhisayo, isagoo daba socday warar bulshada jaahwareeriyay oo maalmihii u danbeeyay ay daabeceen qaar ka mid ah warbaahinta madaxabannaan ee dalku, kuwaas oo qaarkood soo gudbiyeen  magacyada  shaqsiyaad ay ku sheegeen  inay hordhac u yihiin xukuumada cusub ee laga sugayo Axmed  Siilaanyo.

 

 

War-saxaafadeed ka kooban oo uu xalay soo saaray Madaxweynaha cusub oo saxaafada loogu talo galay aya u qornaa sidan;- “Qaar ka mid ah wargeysyada madaxabannaan ee dalka ka soo baxa, ayaa daabacay in Madaxweynaha shacabku soo doorteen Mudane , Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) magacaabay wasiiro hordhac ah oo ka mid noqon doona xukuumadda Cusub ee uu soo dhisayo.
 
 
Hadaba, waxaan caddaynayaa inaanay jirin haba yaraatee  wasiiro  si hordhaca loo magacaabay ilaa hada,  Madaxwaynaha  la doortayna wuxuu ku mashquulsan yahay sidii uu talooyin iyo afkaaro haboon uga uruursan lahaa aqoonyahanada kala gedisan ee qarankani  leeyahay  si uu u soo dhiso dawlad kooban oo tayo leh, dalkana horumar gaadhsiin karta.
 
Gebogebadii Madaxwaynaha la dooratay waxaa uu xukuumadiisa oo isku dhan uu  soo magacaabi doonaa Hadii Alle yidhaa xiliga uu xilka si rasmiya ula wareego qarankana uu u dhaarto sida uu dhigayo dastuurka qaranku, sidaa daraadeed waxaan warbaahinta kula talinayaa inaanay iska qorin waxyaabaha mala-awaalka ah ee laysla dhexmarayo.”
Dhinaca kala Madaxweynaha la doortay ee dhawaan xilka la wareegaya  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuu maanta kulan albaabadu u xidhnaayeen  la yeeshay Ku-xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Mr. John Marshal oo booqasho maalmo ah  ku jooga somaliland.

Kulanka oo ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, wuxuu ahaa mid  aan warbaahinta loo oggolayn, sidaa awgeed ma  jirin wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac , balse  sida ilo xogagaal ah oo ku dhawdhaw tibaaxeen kulankaa ayaa la xidhiidha xaaladda kala guurka Somaliland iyo xil-wareejinta labada Madaxweyne ee ku kala adkaaday  doorashadii Madaxtooyada ee somaliland  ka dhacay 26-kii June 2010.  sidoo kale waxa jira warar sheegaya in kulanka madaxweynaha cusubi la yeeshay saraakiisha ka socotay safaarada Britain eeAdis Ababa inay qayb ka ahayd taliyihii sirdoonka Somaliland oo laga soo celiyay dalka Ethopia. ka dib markii uu safar qarsoodi ah ku baxay todobaadkii hore, isla markaana safaarada Britain ee Adis-Ababa u diiday in la siiyo magangelyo uu dalbaday. sidaana ugu soo celiyeen dalka maalintii khamiistii lasoo dhaafay.
Waxa kale oo wararku sheegayaan in Madaxweynaha iyo Safiir-ku-xigeenku kulankooda kaga wadahadleen arrimo ay ka mid tahay xaaladda ammaanka dalka ee xilliga xil-wareejinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalama Soomaaliya oo intii ka dambaysay weeraradii ay ka gaysteen dalka Uganda cabsi iyo dareen wayn laga qabo, iyadoo Madaxweynaha cusub Axmed Siilanyo Jimcihii doraad  kulan kale la yeeshay saraakiil ka tirsan sirdoonka Ingiriiska.

Safiir-ku-xigeenka Ingiriiska Mr. John Marshal ayaa la filayaa inuu  kulan la yeesho Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Somaliland  Daahir Rayaale Kaahin. ka hor inta aanay wefdiga safaaradu dalka ka dhoofin maalinta berito ah.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *