images/stories/sanqadhi.   jpg    Hargeysa (ANN) Taliyaha Bilayska Somaliland Sanqadhi Dubad ayaa ka waramay tan iyo intii ay bilaabeen ilaalinta gaadiidka dawlada ee waqtigan kala guurka gaadiidka ay gacanta ku dhigeen ciidanka Bilaysku ee la doonayay in lala baxsado, ama la meelaysto.

    

 

 

 

 

Mr. Sanqadhi oo aanu maanta kula kulanay mar uu kasoo baxay kulan ay yeesheen masuuliyiinta dawlada hoose ee caasimada ayaa sheegay inay ciidanka bilaysku gacanta ku dhigeen ilaa labaatan gaadhi oo kuwa dawlada ah.

 

 

 

 

 

Gaadiidkaa ayaa sida taliyaha ciidanka bilayska Somaliland sheegay qaarkood laga soo saaray geerashyo , iyadoo wax laga furtay, halka kuwo kalena uu sheegay in la doonayay sidii loola baxsan lahaa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “gaadiid badan ayaanu qabanay, ciidanku waxay hada gacanta ku hayaan ilaa 20 gaadhi oo gaadiidka dawlada ah, waxayna ahaayeen kuwo geerashyo laga soo qabtay iyadoo wax laga furtay, kuwa kalena waxa la doonayay in lala baxsado. Dhowaana waxa la geynayaa kiisaska gaadiidkaa maxkamad.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com 

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *