Hargeysa(ANN)Taliyihii Saldhiga Booliska ee Daloodho ee woqooyiga Hargeysa. ayaa caawa xabsiga loo taxaabay, kaas oo sida la sheegay toogtay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka degan xaafada 150-ka, kaas oo ku geeriyooday halkaa. kadib
markii hal xabo kaga dhacday madaxa.
lama garanayo sababta keentay dilkaa, balse wararka qaar ayaa sheegaya in taliyaha saldhigu daba socday koox dhalinayaro ah oo guriisa shiiday, isla markaana ay wiilkaa dhalinyarada ah oo ka mid ah dadka xaafada is afdhaafeen, kaas oo aan weli magaciisa la aqoons.an sidaana uu ku toogtay.
sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Xabsiga loo taxaabay markii falkaasi dhacay, isla markaana ay Boolisku baadhayaan sababta keentay dilkaa, iyadoo guriga uu degnaa Taliyaha saldhigu la geeyay ciidan Boolis ah, taas oo ka dhalatay inay ehelada wiilka dhintay ku kacaan fal aargudasho ah.