Hargeysa(ANN) Taliyaha Ciidanka Booliska Soaliland Sanqadhi Dubad ayaa Taliyaha Qaybta  Booliska Gobolka Sool u magcaabay Maxamed Maxamuud  Guutaale  oo ahaa Taliyihii Booliska ee Gebilay laba maalmood ka hor, isla markaana  waxa xilkii laga qaaday Taliyihii qaybeedkii hore ee Booliska gobolka Sool Ex-Col, Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) xilkaa  hayay muddo bil iyo badh ah. 
Sidoo kale Taliyaha qaybta Booliska Gebilay loo magacaabay Ismaaciil Rashiid, halka taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolkaasina loo magacaabay Jamaal Maxamuud Dirayse (Sitoon).
Lama garanayo sababta lala xidhiidhay saraakiisha xilka laga qaaday, isla markaana markii ay  soo baxday xilkaqaadista Taliyaha Qaybta Booliska Sool, Col, C/llaahi Calas  oo ahaa sarkaal Milateri oo dhowaan loo magcaabay gobolkaa. Kadib markii ay dami waayeen mushkilado dhawrkii sanadood ee u danbeeyay ka taagnaa gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood oo noqotay goob ay kooxo aan ujeedadooda la fahmini shirqoolo iyo falal argagixiso kaga ugaadhsadaan saraakiisha maamulka Somaliland oo ay falal toogasho iyo qaraxyo ku khaarajiyeen in ka baddan labaatan qof oo u Abadan saraakiil iyo Masuuliyiin Hay’addaha dawladda ee gobolka ah. Sarkaalkan ayaa mudadii uu gobolka ku sugnaa xaalada amniga kusoo celiyay gacanta dawladda, isagoo dhinaca kalena qaaday talaabooyin hawlgalo lagu baadigoobayo dadka falalka iyo dilalka ka waday gobolka dhawrkii sanandood ee u danbeeyay, iyadoo qaar ka mid ah dadkii mudadii uu joogay xabsiga loo taxaabay markii ay boolisku heleen astaamo muujinaya inay lug ku lahaayeen falalkii halkaa ka socday, halka qaar ka mid ah dadkaana la sii daayay, taas oo cabsi ku abuurtay kooxaha hawlgalada ka waday halkaa oo u muuqday kuwo lasoo afjarayo mashruucooda.
Xilka qaadista Taliyaha Qaybta Sool Ex-Col, C/llaahi Calas ayaa noqotay mid ay dadka Gobolka Sool iyo qaybo baddan oo ka mid ah Bulshada Caasimada Hargeysa is weydiinayaan, isla markaana wax garadka deegaanka Sool iyo qaar ka mid ah qayabaha bulshada ayaa durba ka hadlay xilka qaadista taliyaha qaybta oo ay ku tilmaameen mid aanay fahmin ujeedada laga leeyahay, maadaama  sida ay sheegeen uu sarkaalkaasi ahaa mid mudadaa yar wax baddan ka bedelay xaalada nabadgelyo ee cabsida iyo wer werka lahayd iyo ujeedada laga leeyahay talaabada noocan ah, oo ay sheegeen inay tahay mid nasteex iyo fursad u ah, kooxihii qaska iyo rabshadaha ka waday halkaa, balse aanay ahayn mid bulshada gobolka iyo qarankaba aanay dani ugu jirin oo ku celinaysa mugdigii iyo cabsidii ay wehelka u noqdeen.
Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in Talaabooyinka uu qaaday mudadaa Sarkaalkaa oo lagu magcaabo Calas, isla markaana isticmaalay xeelado milateri iyo xirfad aqooneed oo ka saraysa ta Booliska. Sidoo kalena aqoonta deegaanka oo uu kasoo jeedo  iyo dabeecada dadka ay u suurta geliyeen wax baddan, balse qaar ka mid ah dadka hawlgalada mashaariicda ka wada gobolkaa oo xidhiidh dhow qaarkood la leeyihiin saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan gobolku aanay raali ka noqon, kuwaas oo fara gelin ku sameeya mar walba baadhitaanada iyo dadka loo qabqabto hawlgalada dhawrkii sanadood ee u danbeeyay ka socday gobolka.
Xogaha qaar ayaa tibaaxaya in xil ka qaadista Sarkaalkaa ay sabab u tahay muran dhexmaray isaga iyo wasiirka ganacsiga Somaliland, kaas oo fara gelin ku sameeyay hawlgalada ka socday gobolka oo koox la qabtay  bishii hore oo  lala xidhiidhinayay inay falalkaa lug ku leeyihiin ay isku maan dhaafeen, iyadoo ay tibaaxaha wararkaa la xidhiidhaa sheegayaan in Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif uu amar ku siiyay  Taliyaha Qaybta Sool  Col, Calas inuu sii daayo dadkaa oo tiradooda lagu sheegay sadex qof, balse uu ku gacan saydhay, isagoo ku dooday sida ay xogahaasi sheegeen  inuu sharcigu sii deyn karo, balse aanay jirin cid kale oo sii deyn kartaa. Sidaa awgeed muranka taliyaha iyo wasiirka ganacsiga uu sababay in xilka laga qaado Taliyaha .Wasiirka iyo Saraalkaa oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino waxa ka jira wararkaa ayaanay noo suurta gelin.
Sidoo kale xogaha iyo tibaaxaha la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya in magcaabista xilkaa ee taliyaha Qaybta uu marka horeba ku lug lahaa wasiirka ganacsigu, balse ay is waafiqi waayeen qaabkii uu u hawlgalay iyo qaabkii uu doonayay wasiirku inuu u shaqeeyo, iyadoo masuuliyiinta kasoo jeeda gobolka ee ku jira xukuumadda, baarlamaanka iyo xukuumaddii horeba saamayn ku leeyihiin siyaasado kala duwan oo ka socda gobolkaa, kuwaas oo koox waliba doonayso masuuliyiinta loo magcaabo halkaa ee dhinaca amaanka iyo Hay’addaha kale inay u shaqeeyaan koox waliba sida ay doonay ee waafaqsan siyaasadooda, taas oo meesha ka saartay in xal loo helo muruga siyaasadeed ee gobolka iyo xaalada amni daro ee sanadii u danbeeyay ka taagnayd oo bilihii u danbeeyay u muuqatay mid kasoo raynaysa.
Si kastaba ha haatee xaalada gobolka Sool ee amaankeedu kasoo raynayay, ayaa  hada la saadaalinayaa inay mar kale usii jeedo halkii laga soo baaciyay,  iyadoo ay qaybo baddan oo bulshada deegaanka Sool durba muujinayaan wer wer iyo xaalad cabsiyeed oo mar kale ay dib ugu noqdaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *