Hargeysa(ANN)Ciidamada amaanka Somaliland  ayaa heegan la geliyay labadii malaamood ee u danbeeyay. Kadib markii ay soo baxeen xoggo iyo macluumaad la xidhiidha inay kooxihii  xarunta  gobolka Sool  ee Laascaanood  sanadii u danbeeyay ka waday hawlgalada shirqoolada iyo

 

dilalku doonayaan inay hawlgalo qorshaysan ka fuliyaan hargeysa, kuwaas oo sida ay tibaaxayaan xoggaha la xidhiidhaa doonaya inay hawlgaladaa ku bartilmaameedsadaan masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

 

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada amaanka, balse sida ay shebekada wararka ee Araweelonews ka heshay saraakiil dhinaca amaanka iyo Hay’addaha sirdoonka  oo ka gaabsaday in la xuso magacooda, waxay ciidamada amaanka iyo kuwa sirdoonku heleen xoggo iyo macluumaad ay ka heleen sirdoonka dhinaca dalka Ethiopia oo sheegaya inay heleen warar sir ah oo sheegaya in kooxaha hawlgalada shirqoolada sanadii u danbeeyay ka waday gobolka Sool, waqtigan qorshaynayaan  sidii ay hawlgaladooda dhagaraysan ugu soo wareejin lahaayeen magaalada Caasimada ah ee Hargeysa, kuwaas oo sida ay xoggaha laga helay saraakiisha dhinaca amaanka dalka Ethiopia ishaarayaan, ama ay suurta gal tahay inay bartilmaameed sadaan masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, isla markaana  taargidkooda koowaad yahay xubno ay ka mid yihiin  wasiirka  warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade. Laakiin wasiirka oo aanu weydiinay inuu hayo warbixinta sheegaysa shirqoolkaa ku wajahan isaga ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, isagoo yidhi, “Ma hayo anigu warkaa.”
Wararka la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya in markii  ay ciidamada amaanka iyo kuwa sirdoonku heleen  macluumaadkaa la socod siiyeen wasiirkaa iyo xubno kale oo mihiim ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, isla markaana ay qaadeen hawlgalo lagaga hortegayo  inay kooxahaasi ku guulaystaan fulinta qorshohooda, kuwaas oo aan weli laga warqabin inay gacanta ku dhigeen ciidamadu iyo in kale. Sidoo kale lama hubo inay kooxdani doonayaan inay qorshaha hawlgaladooda  oo ay hore uga fulin jireen gobolka ka fuliyaaa Sool, ku dhiiradaan inay falal noocaas ah  oo shirqool dilal ah ka fuliyaan magaalada caasimada ah ee Hargeysa, taas oo ay adagtahay inay u suurta gasho, ama haddiiba ay fuliyaan ay ku badbaadi karaan. Sidoo kalena ma jiraan warar sheegaya inay ilaa hada ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen dad lala xidhiidhiyay kooxahaa.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi  Xaabsade oo mudooyinkii u danbeeyay, hawlo dhinaca amaanka iyo nidaamka dawladnimo la xidhiidha ka waday xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa todobaadkii hore mar uu ka hadlayay munaasibada uu xilka kula wareegay wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha Somaliland, waxa uu hadal uu  ka jeediyay munaasibadaa  ku sheegay inay jirto khatar weyn oo dhinaca amaanka ah oo sida uu sheegay ay wadaan kooxo aanu magacyyadooda sheegin, balse uu ka cudur daartay ka wadaan dalka, isla markaana ay joogaan gobolada dalka oo dhan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Dalka oo dhan nabadgelyadiisu wax hawlyar maaha, waxa jira dad aanan hada magacooda halkan ka sheegayn oo lixda gobolba jooga oo aan inala shaqaynayn, balse ina manja -xaabinaya , waxay leeyihiin kuwo wax dila, waxay leeyihiin kuwa is hortaaga shaqada aynu qabanayno, waxay neceb yihiin masuuliyiinteena qaranka  nooc kasta ha noqdeene, kii ay arkaanba waa u col iyaga, waxaan leeyahay arrintaasi waa arrin ku sugaysa, waanuna kaala shaqaynayaa.” Ayuu yidhi Xaabsade isagoo la dar-daarmaya  wasiirka  arrimaha gudaha ee xilka la wareegay.
Dhinaca kale weedhaha Wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi  Xaabsade  oo  kasoo jeeda gobolka siyaasiyiinta iyo Odayaasha gobolka Sool ayaa saamayn baddan ku leh gobolkaa, isagoo markii uu madaxweyne Siilaanyo u magcaabay xilkaa marar baddan safar shaqo ugu baxay gobolka, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd sidii xaalada amaanka loo sugi lahaa, isla markaana loosoo afjari lahaa dilalka iyo shirqoolada sanadii u danbeeyay ka socday gobolkaa oo ay ku nafwaayeen ku dhowaad labaatan masuul ka mid ahaa saraakiisha Somaliland  ee maamulka gobolka, isla markaana lagu guuldaraystay in lasoo afjaro, balse mudooyinkii uu isaga daba noqonayay xarinta gobolka Sool dad baddan  oo lala xidhiidhiyay inay ku lug leeyihiin hawlgaladaa xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo ay ku jireen masuuliyiin sare. Sida Maayarkii hore oo lala xidhiidhiyay falal ka dhan ah amaanka iyo qaranimada Somaliland, isla markaana xilka laga qaaday kadibna xabsiga loo taxaabay, balse lagu sii daayay damiin, iyadoo ay talaabooyinka wasiirka warfaafinta ee gobolku sababeen inay yaraadaan dilalkii iyo shirqooladii sida taxanaha uga socday gobolkaa.  Sidaa awgeed waxa la rumaysan yahay inay talaabooyinkaa iyo sida uu xog ogaalka ugu yahay arrimahaa ay keeneen inay bartilmaameedsadaan kooxaha qaska ka wada gobolka Sool.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *