Xirsi1Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa dib u dhigay safar uu maanta ugu bixi lahaa dalka Britain, kaasoo

 

uu dib ugu riixay ilaa maalinta Arbacada.

 

ilaa hada si rasmi ah looma ogga sababaha keenay dib dhaca safarka Wasiirka Madaxtooyadda oo maalmihii u danbeeyay la hadal hayay, isla markaana saxaafada maxaliga ah ee Somaliland qaarkood daabaceen.

Hase yeeshee siida ay warar u dhuun-daloola socdaalka Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland u sheegeen shebekaddaha mataanaha ah ee Arraweelo.com iyo Arraweelonews.com, waxa  uu Wasiir Xirsi safarkiisa dib u dhigay ilaa inta la gaadhayo kulanka loo balamay ee Hogaanka Kulmiye iyo gudida Fulinta Xisbigu xalay u balameen Salaasada maalinta beri ah.

Kulankaa oo lagu ogaaday in Wasiirka Madaxtooyada oo ay isku koox yihiin wadaadka Weerka u xidhtay sidii ay isaga iyo kooxdiisa awooda badan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo geed dheer iyo geed gaabanba ugu fuuli lahaayeen inay talada iyo awooda hogaanka xisbiga ula wareegi lahaayeen marka la gaadho bisha Desembar ee loo balamay shirweynaha Kulmiye.

Sida ay sheegayaan wararka iyo xoggaha la xidhiidha kulankaa xalay wuxuu Wasiir Xirsi  xubno ka kooban Afar Wasiir oo ka qaybgalay kulanka ku dhiiri geliyay inay daadifeeyaan in gudida qabanqaabada shirweynaha ee gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi soo magcaabay, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo ku raacay  ay aqbalaan gudida fulintu, taas oo la yaab ku noqotay hogaanka Kulmiye markii ay madasha kulnaka yimaadeen Afar Wasiir oo kala ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud, Wasiirka Xanaanada Xoollaha Cabdi Aw Daahir iyo Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal , kuwaas oo isku deyay in ay hor istaagaan go’aanka Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha xisbigu isku raaceen ee xubnaha gudida qabanqaabada shirweynaha.

Sidoo kale kooxdan wasiiradda ah ayaa si weyn u diidaay soo jeedin ahayd  in 7xubnood oo ka mid ah Uraradii dhacay doorashadii golaayasha degaanka ee bishii November 2013,  ee xisbiga KULMIYE ku biiray lagu daro golaha fulinta, iyadoo  golaha fulinta uu waqtigan  ka koobanyahay  35 xubnood, soo jeedintaa oo ka timi hoggaanka KULMIYE, balse xubnaha Wasiirada ayaa arrintaa aad ugu gacan saydhay, waxayna ka abuureen buuq iyo qaylo.

In kasta oo sida ay wararkaasi sheegeen isku daygii wasiiraddu ku doonayeen in lagu daadefeeyo gudida qabanqaabada shirweynaha oo ka kooban 19 xubnood uu fashilmay , waxay arrintaasi ka cadhaysiisay Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo shalay dalka kusoo laabtay kadib markii uu si deg deg ah uga soo duulay dhinaca dalka Sucuudiga, isagoo ka mid ahaa Xujaajtii Somaliland ka tagtay ee sanadkan gudashada Xajka ka qaybaglay.

Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali, ayaa ka cadhooday qorshaha hogaanka Kulmiye ee Gudoomiyihu ku magcaabay xubnaha gudida qabanqaabada shirweynaha iyo aqbalaada uu Madaxweyne Siilaanyo aqbalay, taas oo ay labada wasiir u arkeen in ay tahay calaamad si cad u muujinay in laga guulaysanyo qorshoodii siyaasadeed oo ay ku donayaan inay la wareegaan talada hogaanka xisbiga marka la gaadho shirweynaha, iyagoo adeegsanaya  awooda xilalka ay hayaan iyo dhaqaalaha ay gacanta ku hayaan oo tan iyo markii ay bilaabeen qorshohooda siyaasadeed ay ku abuurayeen dad u adeega oo ay xilal iyo mashaariic  si gaar ah ugu sameeyaan.

Hase yeeshee  waxa dhacdooyinka iyo talaabooyinka xubnaha wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo abuureen doodo calaamatu su’aal saaray  kooxda wasiiradda ah ee doonaya inay daadifeeyaan go’aanka lagu magcaabay gudida qabanqaabada  shirweynaha ee Madaxweynuhu aqbalay, taas oo muujisay in go’aamada Madaxweyne Siilaanyo  ay kooxda wasiiradda ahi gaashaanka ku dhifan karaan, ama waxba kama jiraan ka dhigi karaan.

Dhinaca kale Wasiirada doonayay inay qas geliyaan kulanka gudida fulinta iyo hogaanka Kulmiye ee lagu naaqishayay arrimaha xibiga, ayaan ka mid ahayn kooxda wadaada ee awooda badan ku leh xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, balse  waa kuwo rumaysan in cida xilka u magcawday  uu yahay Wasiirka Madaxtooyadda, taas oo sababtay in ay aqblaaan inay isku dayaan qorshe kasta oo wasiir Xirsi iyo Kooxdiisu u diraan.

Si kastaba ha ahaatee waxa raylacaamka intooda badan iyo dadka la socda siyaasada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye indhaha ku hayaan waxa ay la yimaadaan kulanka loo balamay maalinta beri ee salaasada iyo haddii isku daygooda sidan usii socdo talaabada Madaxweyne Siilaanyo ka qaadanayo in go’aan sharci ah oo gudoomiyaha xisbigu ku magcaabay gudida qabanqaabada shirweynaha, isla markana uu Madaxweyne ahaan aqbalay ay koox wasiiro ah isku dayaan inay waxba kama jiraan ka dhigaan, iyagoo doonaya inay fuliyaan qorshaha kooxda yar ee Madaxweyne Siilanyo hore ugu loogay guushii ummmadda, kuwaas oo wata qorshayaal fog-fog iyo ujeedooyin siyaasadeed oo jar iska xoornimo ah.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *