Laascaanood (ANN)Taliyihii Ciidanka CID-da ee Gobolka Sool, Cali Jaamac Aadan ayaa dhaawacmay ka dib markii caawa dablay aan la aqoonsani rasaas ku fureen Taliyaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.Siada

 ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen dad ku sugan gudaha Magaalada Laascaanood Sarkaalkaa ayaa  dhaawac ka soo gaadhay Lug,  waxaana loola carayay Cisbitaalka magaalada Laascaanood, halkaas oo lagu dawaynayo sida ay sheegeen eheladiisu.
Illaa imika ma cadda cida falkan ka fulisay mana jirto cid ka tirsan maamulka gobolka Sool oo ka hadashay dhacdadan, hase yeeshee waxa la sheegay inay qeyb ka tahay falal kooxo abaabulan oo aan la aqoonsanayni ay ku bartilmaameedsadaan masuuliyiinta laamaha Ciidamada kala duwan ee gobolkaasi.
Sarkaalkiisa Ciidamada ee gobolka Sool  ayaa tan iyo wixii ka danbeeyay Dilka Taliyihii Ciidamada qaybta 12aad Col Yuusuf Nuur oo isaga qarax lala beegsady Nov, 2009, waxa halkaa ka soconayay shirqoolo iyo dilal  lala beegsanayo saraakiisha ciidamada eek ala duwan iyo masuuliyiinta kaleba, isla markaana waxaa lagu fuliyay gudaha Magaalada Laascaanood dilal qorshaysan dersin saraakiil iyo masuuliyiin ah, kuwaas  oo aan weli la aqoonsan cidii ka danbaysay dilalkooda, marka laga reebo shirqoolka taliyaha Ciidanka ee u horeeyay oo kuno kala duwan lagu riday dadkii lagu Eedeeyay. Dilalkaa iyo shirqooladaa  ayaa inta badan dhacay xiligii maamulkii xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland 26, Jun 2010. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *