Hargeysa(ANN)Garsoore  Yuusuf Faarax Sharmaarke Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ee Darajada koowaadayaa maanta xukumay  9 nin  oo laba ka mid ahi ahaayeen ONLF, halka 7-da kale oo kale  ahaayeen  dareewaliintii iyo dadkii gacanta ka geystay ee jidka mariyay

 Jabhadii ONLF ee dhawaan ka soo degtay Xeebta Bulocado ee galbeedka Somaliland, kuwaas oo Gaadiidka ka kireeyay 250 ka mid ahaa Maleeshiyada ONLF.
Qoraalka xukunka Maxkamadda ayaa u dhignaa sidan;-

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 14-kii bisha November 2010, waxa Maxkamadu ay fadhiisatay isla markaana ay soo saartay xukunkii Jabhadii ONLF, ee ka soo degtay Bulacaddo una gudubtay Itoobiya.
Labadii nin ee laga soo qabtay, darawaliintii qaaday, dal mariyeyaashii iyo dilaaliintii waxaanay Maxkamaddu ku xukuntay sidan soo socota.

1-ONLF. Cabdi Caashir Macalin
2-ONLF. C/Wali Dhuux Yuusuf, min toban sanadood oo xabsi Milatari ah, waxa loo cuskaday Qodobka 22 1XCJ, oo lala akhiryo Qodobka 39 XCJ.
3- Wadde Baabuur. Maxamed Yuusuf Odawaa (Aleel) Abaabule, lix iyo toban sanadood oo xabsi milatari ah (Maqane) waxa lagu fulin doonaa marka la qabto.
4- Wadde Baabuur C/Risaaq Ibraahin Faarax (Shiine), Maqane laba sano oo xabsi Milatari ah iyo laba Milyan oo lacag ah oo SL Shilin ah, oo lagu fulinaayo marka la qabto.
5-Wadde Baabuur Ilyaas Intifaac Xirsi, todoba sanadood oo xadhig Milatari ah iyo ganaax lacageed oo dhan hal Malyan oo SL Shilin ah.
6- Cabdi Habanne Meecaad (Dal-mariye) afar sano oo xabsi Milatari ah.
7- Daahir Guulleed Muxumaadde (Dalmariye) shan sanadood oo xabsi Milatari ah.
8)- Abshir Jaamac Riiraash
9) Shabcaan Xasan Ducaale min lix bilood oo shuruud leh (suspend conditional Sentence). Dhammaantood waxa loo cuskaday Qodobada 231,297 iyo 298-XCJ.

Maxkamadu waxay min Hal Malyan oo SL Shilin ah ganaaxday Baabuurtii lagu qaaday Jabhada oo kala ah:-
SL.NO. 30523
SLNO.25252
SL. NO.3563

Lacagtaasi oo lagu xarayn doono qasnada Cashuuraha Bariga, 70%, 30% waxa lagu dayactiri doonaa Gaadiidka Garsoorka iyo Ciidamada Somaliland.

Noocyada Ciidamada waxa laga codsanayaa inay soo qabtaan labada Dambiile ee maqan.”
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *