Hargeysa(ANN) Madaxweyne Siilaanyo ayaa magcaabay Taliyaha Sirdoonka Qarnka Somaliland. Kadib markii uu is casilay Taliyihii hore Mr. Kenyaati maalintii doraad. Magcaabista Taliyaha sirdoonka

ayaan weli si rasmi ah uga soo bixin xafiiska Madaxweynaha, balse sida ay warar xog ogaal ahi u sheegeen shebekada warrarka ee Aaraweelonews, waxa xilkaa loo magcaabay Col. Maxamed  Nuur Xirsi (MN) oo hore u ahaan jiray Saraakiishii Milateri ee dawladii Somalia  balse markii danbe ka goostay Taliskii dawladii Siyaad Barre, isla markaana ka mid noqday Ururkii SNM.
Mr. Maxamed Nuur wuxuu sanadii u danbeeyay deganaa dalka debediisa, isagoo hawlo ganacsi ku jiray. Laakiin wuxuu dalka dib ugu soo laabtay dhowaan, wuxuuna  ka mid ahaa  qurba jooga ilaa xiligii Ololaha doorashada madaxtooyada ku sugnaa dalka.   markii ay soo baxeen wararka sheegaya in xilkaa loo magcaabay Col. Maxamed  Nuur, balse aanay weli Madaxtooyadu si rasmi ah usoo saarin, waxay dad badani markii ay maqleen hadal haynta magcaabista Taliyaha Sirdoonka u qaateen in lasoo celiyay taliyihii xiligii maamulka Rayaale kaas oo magaciisu ahaa  Maxamed Nuur.
 Tan iyo markii ay soo baxaday is casilaada Taliyihii Sirdoonka Mr. Xuseen Kenyaati, waxa soo baxayay magacyada dadka lala hadalhayo in loo magcaabo xilkaa, waxaana magacayda safka hore kaga jiray Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Cabdi Yuusuf (Cabdi Dhega weyne), Axmed Dheere iyo xubno kale, balse dhamaan magacyadaa ayaa meesha ka baxay. Kadib markii maanta duhurkii ay ogaadeen in xilkaa loo magcaabay Maxamed  Nuur.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *