araweelonewsLondon(Araweelo News Network)Taliyihii Sirdoonka Somaliland Janaral Maxamed Nuur Xirsi oo ku sugan magaaladda London, ayaa wareysi uu la yeeshay tifaftiraha shabakadda ramaasnews waxa uu ku iftiimiyey

 

 

xoggo xasaasiya oo ku saabasan arimaha amaanka iyo xidhiidhka sii xumaanaya ee wadamada jaarka.

Janaral Maxamed Nuur waxa kale oo uu iftiimiyey tuhunada ku gedaaman xubno kamida xukuumada Siilaanyo oo lagu xidhiidhinayo gacansaar ay la leeyihiin ururada xagjirka ah, waxaana uu dhawaaq dheer ku sheegay in laga hadliyo wasiir ku xigeenkii amniga ee xidhan iyo in dib loogu soo celiyo xoriyadiisa.

Janaralku waxa kale oo uu ka hadlay khatarta ay ku sugan yihiin ciidanka sirdoonku marka si aan munaasib ahayn loo sii daayo dambiilayaasha ay ka hawlgaleen soo qabashadooda iyo xadhigoodaba.

Mar uu ka hadlayey ka warhaynta madaxweyne Siilaanyo ee dalka uu maamulo, waxa uu sheegay in madaxweynuhu awoodihiisii maamul uu gacanta ugu jiro shakhsiyaad kale, isaguna uu saxeexo uun waxa miiska loo saaro.

Janaral Maxamed Nuur waxa kale oo uu wareysigan ku caddeynayaa in uu ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, isla markaana uu u qaabilsan yahay xagga amniga, wareysiga oo uu Janaralka ku bixin doono xog xasaasiya oo ku saabsan sida shaqadii sirdoon ee loo igmaday ay uga socon wayday xarunta madaxtooyada ayaa u dhacay sidan: Riix Halkan

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *