burburka diyaarada1Nairobi(Araweelo News Network)Dayuurad nooca xamuulka qaada ah ayaa ku dul bur burtay dhismo ku yaala magaalada Nairobi, waxaana shilkaa ku dhintay ilaa inta la ogyahay

 

afartii qof ee saarnayd dayuuradda oo shixnad jaad ah u siday dalka Somalia.

Dayuuraddan ayaa ku dhacday dhismo laba dabaq ka kooban oo ay ku yaalaan dukaamo yar yar, wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka weyn ee magaalada Nairobi, Kenyatta International Airport, gelinkii hore ee maanta, waxaana dab ka kacay dhismaha ay ku dhacday oo qayb ka mid ah ay gubatay.

Lama garanyo sababta keenay burburka  diyaaradda, balse Baadhayaasha ayaa sheegay in laga yaabo in dayuuraddu ay ku dhacday xadhig koronto ka hor intii aanay burburin.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *