araweelonewsHargeysa(Araweelo News Network)Ganacsade Maxamed Aw-Siciid iyo Odayaal kale ayaa ku mashquulsan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Xisbiga Kulmiye ee dib usoo laabtay

 

todobaad ka hor markii kulan dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo ka dhacay Madaxtooyada laysku maandhaafay qaabka iyo xiliga la qabanayo shirkii golaha dhexe ee xisbiga.
Kulankaa oo ay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku weheliyeen xubno ka mid ah hogaanka xisbiga ayaa lagu kala kacay, iyadoo aan waxba laysla meel dhigin, balse hoghayaha guud ee Xisbiga Xasan Siciid ayaa saacado ka dib soo saaray qoraal saxaafadeed uu ku sheegayo in qabashada shirka golaha dhexe loo mudeeyay 5 August 2014 oo ku beegan dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaan.
Khilaafka dib usoo laabtay ayaa yimi maalin ka dib markii munaasibad casuumad ah ay ku yeesheen qasriga Madaxtooyadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Kulmiye oo ay weheliyeen ganacsato isu xilqaamay sidii loo xalin lahaa khilaafka xisbiga Kulmiye oo marayay meel xaasaasi ah, kaas oo si weyn u dhaawacay sumcadii iyo midnimadii xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda talada haysa ee kasoo jeeda xisbigaa, balse nasabiidaro mar kale ayuu dib u curtay khilaafka u dhexeeya Kornaylada mayalka u haya hogaanka xisbiga iyo Madaxtooyadda oo ay la safan yihiin xubno ka mid ah hogaanka xisbiga.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Odayaasha ah ee uu hogaaminayo ganacsade Maxamed Aw-siciid ee hore ugu guulaystay xalinta khilaafka dib usoo laabtay wax ka yar laba maalmood markii laga soo jeestay daminta khilaafka hore, balse ila wareedyo shebekada Araweelo News Network heshay ayaa sheegaya in Ganacsade Maxamed Aw-siciid oo dalka Djibouti safar ugu baxay maalin ka dib markii khilaafku dib u cusboonaaday si deg deg ah ugu soo laabtay dalka, isla markaana ku mashquulsanyahay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka mar kale, wuxuuna sida ay xoggaha iyo tibaaxaha la xidhiidha wararkaasi sheegayaan in ay kulamo la yeesheen saacadihii lasoo dhaafay Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, mana jiraan wax natiijo ah oo kasoo baxay kulamadaa ilaa hadda, isla markaana ma muuqato rajo fiican oo laga qabo inay kasoo baxdo kulamadaa, maadaama khilaafku yahay mid soo noq noqday,  balse waxa la filayaa in war murtiyeed laga soo saaro saacadaha iyo maalmaha soo socda.

http://araweelonews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=5054:kulan-madaxweyne-siiilaanyo-iyo-gudoomiyaha-xisbiga-kulmiye-lahayeen-oo-burburay-iyo-khilaafka-xisbiga-oo-mar-kale-cusboonaaday&catid=1:article&Itemid=7

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *