Hargeysa(ANN)-Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka Somaliland, Xuseen Xasan Rooble (Kenyati) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xogo xasaasi ah oo la xidhiidha dhacdooyin uu xog-ogaal u ahaa tan iyo intii uu xilka Taliyaha Sirdoonka Qaranka Somaliland ka hayey Somaliland, kuwaas oo la

xidhiidha ganacsi hub oo laga soo dejin jiray magaalada Lughaya ee ku taal xeebaha galbeedka Somaliland, isagoo isla markaana dhaliil kulul u jeediyay Cismaan Aw Maxamuud (Buur-Madow), oo uu sheegay inuu ku jiro liiska dadka la baadi-goobayo (Wanted) ee dalka Kenya.
Xuseen Kenyata waxa uu sidan ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyay Wargeyska Saxafi, kuwaas oo uu kaga hadlayo dhacdooyin badan oo xasaasi ah oo uu xogtooda helay muddadii uu xilka hayay.
Mr.Xuseen Kenyati waxa uu dhaliil kulul ujeediyay Cismaan Buur-Madow oo uu ku tilmaamay Masiibo ku nool dalka Somaliland, waxaanu yidhi: “Buur-Madow waa masiibo ku nool dalkeenan Somaliland, waayo, marka hore Buur-Madow maaha shakhsi leh aqoon dhinac diineediyo mid kale toona. Markii iigu horeysay hadal-hayntiisa Buur-Madow, waxaan ka maqlay dalka Kenya, waxaanu Buur-Madow toddobaatanadii ka mid ahaa Budhcadda Ugaadha ee loo yaqaan “Poacher” ee sida sharci-darrada ah uga ugaadhsan jirtay gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya, waxaana halkaas looga yaqaanaa Waraabaha Madow (Black Hyena), waxaanu weli ku jiraa liiska dadka noocaas ah ee la baadi-goobayo (wanted).”
Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland, Xuseen Kenyata isagoo sii wada dhaliilaha uu u jeedinayo Buur-Madow waxa uu yidhi: “Marka loo soo noqdo dhinaca Somaliland, Buur-Madow weli kama talin wanaag oo waa masiibo Somaliland ku nool, waana nin aan waxba ka xishoon hadday tahay dawladda, madax-dhaqameedka iyo shacbiga toona, isla markaana Buur-Madow waa shakhsi ku nool inuu boob iyo aflagaado wax ku helo, weligiina ma shaqaysan wax xalaal ah, meherad aan deyn ku lahayn dalka kama jirto nooc kasta ha ahaatee. Buur-madow waa shakhsigii ugu horeeyay Somaliland ee wax afduuba. Waa Somalilander-kii ugu horeeyay ee ka mid noqda “Poachers-ka Kenya (Budhcadda Ugaadha), sida lagu xusay liiska baadi-goobka bileyska Kenya. Waa shakhsigii iigu horeeyay ee aan maqlo ee laga xayuubiyey Saldanad uu markii horeba boob ku lebistay.”
Dhinaca kale, Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland, Xuseen Kenyata ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sababihii uu uga tegay shaqada Sirdoonka Qaranka xukuumaddii Rayaale iyo tan Axmed-Siillaanyo. Waxa kale oo uu Xuseen Kenyata ka hadlay dhacdooyin xasaasi ah oo ay ka mid tahay hub si sharci-darro ah looga soo dejin jiray Lughaya oo si ganacsi loogu gudbin jiray Itoobiya, Puntland, Somalia iyo meelo kaleba, kuwaas oo uu sheegay inay ku lug lahaayeen masuuliyiin sar-sare oo xukuumaddii hore ka tirsan iyo shakhsiyaad kaleba.
Haddaba xogahaasi oo ah kuwo xasaasi ah ayaanu idiin soo gudbin doonaa cadadada dambe ee Wargeyska Saxafi insha Allaah.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *