Beijing (ANN/Africa Intelligence)- Shirkaddaha Maraykanka ugu waaweyn ee dhinaca shidaal qodista iyo kuwa Shiinaha ayaa ku hawlan, isla markaana  loolan weyn  ugu jira sidii ay u hantiyi lahaayeen Ceelasha shidaalka iyo Gaasta ah ee Somaliland oo ay hore sahan ugu sameeyeen,

 

isla markaana qaarkood callaamadsadeen xilligii dawladii Somalia ee siddeetanaadkii.
Loolanka dhinaca shirkaddaha u dhexeeya ayaa soo ifbaxay. Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo horaanta sannadka cusub ee 2011 booqasho ku tegayo dalka Shiinaha. Kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Xukuumadda Beijing. 
Sidaana waxa lagu faafiyey shabakada aarimaha Afrika ee dhinaca shirkaddaha shiddaalka iyo gaasta ka faaloota ee African Energy Intelligence, taas oo lagu sheegay in mid ka mid ah shirkaddaha  shidaalka Shiinaha ee magaceeda loo soo gaabiyo CNOOC (China National Affshore Oil Corp.), ay  ku hawlan tahay sidii ay ugu guulaysan lahayd ogolaansha inay iyadu si toos ah u maamusho ceelasha shidaalka iyo gaasta Somaliland, iyada oo dhinaca kalena ay mid ka mid ah shirkaddaha  shidaalka Maraykanka oo lagu magcaabo CONOCO, oo iyadu hore u callaamadsatay Ceellasha Shiddaalka ee ku yaal Somaliland xilligii dawladii Maxamed Siyaad Barre, isla markaana ay ku dooday inay iyadu haysato ogollaanshaha Ceellasha shiddaalka ku yaal Bariga Somaliland.
Heshiis ay sannadkii 2006 Shirkada shidaalka Shiinuhu hore ula gashay dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa fashilmay, kadib markii dawladda Somaliland oo ceelasha shidaalku dhulkeeda ku yaal arrintaa ku gacan saydhay, taasina waxay sababtay in shirkada Shiinaha ee CNOOC ay horaantii sannadkan 2010 dib u istaadho damaceeda ku waajahan dhulka shidaalka iyo gaasto ku jiraan ee Somaliland, iyaga oo xidhiidh toos ah la sameeyey maamulka Somaliland, balse waxa la rumaysan yahay in haddii shirkadda shidaalka Shiinuhu ku guulaysto ogaanshaha ceelasha shidaalka in taasi muran badan ka dhex dhalin doonto shirkadaha Maraykanka oo ilaa sannadkii 1980 ku hawlnahaa ceelasha shidaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ilaa hadda aaminsan inay iyaga oo qudhi ogaalsho u haystaan arrintaa, isla markaana awood ka xoog roon darteed uga xammaan urursadeen Soomaaliya.
Dawladda Somaliland, ayaa la sheegay in ilaa hadda aanay macluumaad sax ah oo dhinaca khayraadka dhulka ah haynin, iyada oo aan wax shidaal qodis ah dhulkaasi laga samayn 1980 ilaa 2000, balse shirkad yar oo Ingiriis ah oo la yidhaahdo Fugro-Robertson,taas  oo loo diidana inay wax hawlgalo ah dhulkaasi ka samayso. Sidoo kale waxa jirtay inay xukuumaddii Madaxweyne Rayaale dhawr goor sheegtay inay heshiisyo shidaal qodis ah la gashay shirkadda, balse shirkaddahaa ayaa noqday intooda baddani kuwo aan waxba ka jirin.
Si looga baxo macluumaad la’aanta, isla markaana xog rasmi ah loo helo, waxa dawladda Somaliland heshiis la gashay shirkadda dhinaca sahaminta qaabilsan oo la yidhaahdo TGS-Nopec sannadkii 2009, taasi oo hawlo sahamineed ku sameeyey deegaano Somaliland ka tirsan.
Safarka la filayo in madaxweyne Siilaanyo ku tago Shiinaha, waxa uu ka dambeeyey, kadib markii ay bishii April ee sannadkan 2010 booqasho ku yimaaddeen Somaliland wefti Shiine ah oo laba sarkaal oo ka mid ahi ka tirsanayaayeen shirkadda shidaalka Shiinaca ee CNOOC. Waxayna China qorshaynaysaa inay rooga cas u dhigto Madaxweynaha Somaliland marka uu booqdo China.

Dhinaca kale maaha markii ugu horaysay ee shirkaddaha shidaalka iyo gaasta ee Shiinuhu hungureeyaan inay Ceellasha shiddaalka Somaliland soo saaraan, balse waxa la xusuusanyahay in xiligii xukuumaddii marxuum Cigaal 2001 ay Somaliland yimaadeen  saraakiil ka socday mid ka mid ah shirkaddaha shiddaalka ee dalka China, kuwaas oo doonayay inay Xukuumaddii waqtigaa heshiis shidaal qodis ah la galaan. Laakiin may suurta gelin qorshahaa ay wadeen  saraakiisha ka socotay shirkadda laga lahaa China. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *