Hargeysa(ANN)-Masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo qaar ka mid ah maayarrada magaalooyinka waaweyn ee dalka, ayaa la sheegay inay labadii maalmood ee u dambeeyey u xusul-duubnaayeen qorsheyaal ujeeddooyin kala duwan leh oo ay ku doonayaan sidii ay u baajin

 

lahaayeen hawlgallada Hantidhawrka Guud ee Qaranku ku qabqabanayo saraakiisha lagu helay falalka musuqmaasuqa ee ka socda Gobolka Gabiley.
Masuuliyiinta sida weyn ugu mashquulsanaa 48kii saacadood ee u dambeeyey dambabaska iyo badbaadinta saraakiisha hay’adaha garsoorku amreen qabashadooda ee loo haysto lunsi hanta qaran, ayaa sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa ugu horreeya Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, kaas oo labadii casho ee la soo dhaafay dhawr jeer u tegay degmada Gabiley qorsheyaal sida la sheegay uu ku damacsan yahay in lagu joojiyo qabqabashada ragga lagu helay musuqa ee ciidammada ammaanku raadinayaan.
Ujeeddada ugu weyn ee Maayar Jiciir uga hawlgalay fashilinta iyo hakinta hawlgallada xabsiga loogu taxaabayo masuuliyiinta hay’adaha dawladda ee ku kacay xatooyada xoolo ummadeed, ayaa sida ilahaasi ku tilmaameen inuu salka ku hayo qorshe uu kaga hortegayo in isaga laftiisa si fudud jeelka loo dhigo, kadib markii sida la sheegay baadhitaannadii Hantidhawrka Guud sameeyey lagu soo faqay fadeexadihii musuqmaasuq ee ugu cuslaa oo uu dhex fadhiyo.
Xogo kala duwan oo Jamhuuriya ka helay baadhitaannadii Hantidhawrka Guud ku sameeyey hay’adaha kala duwan ee dawladda, ayaa iftiimiyey in Maayar Jiciir calanka u sido masuuliyiinta lagu helay hantida ugu badan ee qaranka laga lunsaday, sidaa daraadeedna si uu uga badbaado gulufka lagu ugaadhsanayo madaxda iyo saraakiisha musuqmaasuqa sameeyey uu degmada Gabiley ugaga jiro dagaalka lagu baajinayo hawlgallada Hantidhawrka Guud bilaabay.
Sidoo kale, Maayarka Degmada Berbera Mr. Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere) isaguna sida la sheegay ka mid ah madaxda lagu tuhunsan inuu lunsaday hanta aad u badan oo qaran, ayaa la caddeeyey inuu caddeeyey inuu dhiniciisa gurmad iyo dedaal dheeraad ah ugu galay sidii loo joojin lahaa xadhigga Hantidhawrka Guud la damacsan yahay cid kasta oo musuqmaasuq ku kacday amma xoolo dadweyne leexsatay.
Masuuliyiinta kale ee ka hawlgalay talobixinta qabashada saraakiisha ee Hantidhawrku amray in xabsiga loo taxaabo waxa ka mid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mr. Cabdillaahi Xuseen Cige (Blacki), siyaasiyiin iyo dhinacyo kala duwan, kuwaas oo sida ilo-wareedyadaasi tibaaxeen Salaasadii ilaa habeen hore ku hawlanaa waanwaan lagu dambabasayey xadhigga masuuliyiintaas.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Daakhiliga Mr. Cabdillaahi Balaaki oo aannu isku daynay xalay cawayskii in aannu khadka telefoonka kula xidhiidhno si wax looga waydiiyo dhaqdhaqaaqyada dhexdhexaadinta ah ee la sheegay inuu kaga jiro qaddiyadda saraakiisha Hantidhawrka Guud amray in la qabqabto, ayaanay noo suurtogelin in aannu helno, kadib markii uu tiraba laba jeer qabanwaayey telefoonkiisa gacanta.
Hawlgallada masuuliyiinta sare ee dawladdu xabsiga kaga difaacayaan tallaabadii ugu horreysay ee Hantidhawrka Guud ku qabqabanayo dufcaddii koowaad ee ragga loo haysto inay lunsadeen hanta qaran, ayaa u muuqata mid dhabar-jab weyn ku noqon karta guul wax-ku-ool ah oo Somaliland ka gaadho dabargoynta musuqmaasuq dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey aafeeyey hay’adaha dawladda, gaar ahaan goobaha dakhli-ururinta.
Dhinaca kale, ciidammada booliska ee Gobolka Gabiley, ayaa ku guuldarraystay in ay ilaa hadda gacanta ku dhigaan 5 sarkaal oo waaranka qabashadooda Hantidhawrka Guud ee Qaranku u gudbiyey maalintii Salaasada, kadib markii sida la sheegay ay madaxda sare ee bilayska gobolkaasi ka cago-jiideen qabqabshada masuuliyiintaas oo qaarkood xilal muhiim ah ka hayaan maamulka dawladda hoose ee Degmada Gabiley, isla markaana saamayn ku yeelatay hawlgallada masuuliyiinta kala ujeeddooyinka ah ee u tafoxaytay ka hortagista in raggaas xabsiga la dhigo.
Warku waxa uu intaa ku daray in masuuliyiinta iyo saraakiisha ku eedaysan musuqmaasuqa ay qaarkooda dhuumasho kaga baxeen magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale, iyagoo ka faa’iidaystay farogelinta madaxda sare ee dawladda, cago-jiidka booliska iyo arrimo kale oo ka dhashay qabqabashadooda, kuwaas oo sida ilo-wareedyo kala duwani tibaaxeen qaarkood u baxsadeen degaanno miyi ah, si ay ugaga badbaadaan gacanta ciidammada ammaanka ee raadinaya.
Taliyaha booliska Somaliland iyo wasiirka arrimaha gudaha oo aanu xalay la xidhiidhnay si aanu arrimahan wax uga waydiino ayaanay noo suurtogelin in aanu khadka telefoonka ku helno.
Geesta kale, Maxkamadda Gobolka Gabiley oo gacanta ku haysa dacwadda loo haysto saraakiisha la raadinayo, ayaa shalay u fadhiisatay dhagaysiga masuuliyiinta musuqmaasuqa ku eedaysan, kuwaas oo iyagoo maqan maxkamaddu rumaan ku xukuntay.
Qabasho la’aanta saraakiisha Gobolka Gabiley ee ku eedaysan musuqmaasuqa, ayaa saamayn ku yeeshay hawlgallada Hantidhawrka Guud oo sida qorshuhu ahaa la filayey inuu shalay caasimadda Hargeysa ka bilaabo wejiga labaad ee qabqabashada masuuliyiin kala duwan oo lagu helay lunsi hanti qaran oo aan waxba ka hirgelin.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

Jamhuuriya Online

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *