Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland  Xuseen Xasan Rooble (Xuseen Kenyaati) iyo C/waaxid C/qaadir C/raxmaan oo aahaa  Maareyihii Hay’adda Wadooyinka Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday doraad.

 

kadib markii dagaal gacan ka hadal ah uu caawa caweyskii ku dhexmaray Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Sida ay shebekada Araweelonews u xaqiiyeen saraakiil ka tirsan Booliska oo ka gaabsaday in magacooda la sheego, waxa xadhiga labadaa nin ka danbeeyay dagaal ay gacanta isula tageen.

Lama garanayo sababta keentay dagaalkaa, balse dad goob jooga ayaa u sheegay Shebekada Araweelonews in Mareeyaha xilka laga qaaday weerar kusoo qaaday Taliyihi hore ee Sirdoonka oo Huteelka Maansoor ku sugnaa, isla markaana ay Boolisku kaxeeyeen labadaba, balse dad goobta joogay ayaa ku dooday in Xuseen Keenyaati laga gardaraa oo isaga weerar lagu soo qaaday. sidaa awgeed ay Boolisku kexeeyaan Ninka weerarka soo qaaday oo ahaa Maareeyihii hore ee wadooyinka. laakiin Booliska ayaa diiday, iyadoo dadka qaarkood sheegeen inuu Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali uu ku amray inay labadaba xidhaan. sidaana lagu xidhay oo xabsiga loo kaxeeyay.

Ilaa hada si dhab ah looma ogga sababta uu Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka ee xilka laga qaaday ku dhalisay inuu weerar gacan ka hadal ah ku qaado Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland, balse waxa jira tibaaxo iyo xoggo la xidhiidha arrintaa oo sheegaya in xilka qaadista uu Madaxweyne Siilaanyo habeen hore ku sameeyay Masuuliyiin uu ka mid ahaa Maareeyuhu ay la xidhiidho arrintaasi, taas dad badani rumaysan yihiin in Maareeyuhu qayb ka ahaa Koox tirao yar oo Awood badan ku leh Madaxtooyada, kuwaas oo la rumaysan yahay inay saamayn ku yeelatay dhawaaqyada dhinaca dalalka Britain iyo Maraykanka ee cabsida geliyay, islamarkaana sababay inay ka dhawaajiyaan inay muwaadiniintoodu ka baxaan Somaliland.

Dhinaca kale Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka ee Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday, ayaa xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale xabsiga u taxaabay isaga iyo saaxiibkii Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali oo xiligaa mudo ka hor iska casilay gudoomiye xigeenka gudida doorashooyinka qaranka, balse waxa la xidhay horaantii August 2008, iyadoo C/llaahi Cirro oo ahaa  Wasiirkii Arrimaha gudaha ee xukuumaddii Daahir Rayaale oo Idaacada BBC siiyay Waqtigaa waraysi uu kaga hadlay xadhiga Xirsi, waxa uu yidhi, “Koley iyo koley ka hordhici mayno  arrinta Baabuurta qoorta laga jaray oo waynu sugi doonaa, waanay caddaan doontaa waxa ay u jeedaan, maanta waxaan u malaynayaa in insha Allah in aanay dhaafi doonin oo lasoo qaban doono, gacanta ayaana lagu hayaa wixii kasoo baxana wixii kasoo baxana waynu ogaan doonaa, laakiinse imika ma odhan karo waxaas iyo waxaasaa ka dambeeya, laakiinse koley iyo koley waxaanu tuhunsanahay in ay lug la leedahay nin maalin dhawayto la xidhay oo Xirsi la yidhaahdo oo xidhiidh la leh Al-shabaab, ninkaasi in ay xidhiidh la leeyihiin baanu jecelahay, arrintiisana waa la baadhayaa, baadhistaa kadibna arrintu way caddaan doontaa” ayuu ydhi C/llaahi Cirro. isla markaana labadaa Nin waxay Xukuumaddii Daahir Rayaale ku eedaysay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha aragagixisada,

“Kuma tuhunsanine arrintaasi boolisku aad iyo aad ayuu u caddaynayaa, markii horena baabuurtaasi la sheegayo ayuu la socday, waxa laga soo eryaday tuulada, ciidanka booliska ayaa siduu usoo eryanayay buu halkaa soo galay, markaa waxaanu ku tuhunsanahay inuu xaggaa xidhiidh la leeyahay, hadday tahay telefoonadiisii iyo hadday tahay xidhiidhkii intaba aad iyo aad ayaanu raad weyn u haynaa, markaa baadhistu markay dhamaato ayaanu iyadoo cad sheegi doonaa” ayuu yidhi.Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland. balse waxa la sii daayay mudo ka dib iyadoo aan wax maxkamad ah la geyn. kadib markii ay sii deyntooda ka hawlgaleen Boqor Cismaan Buurmadaw, Odayaal iyo shaqsiyaad kale.

Xuseen Keenyaati oo iska casilay xilka Taliyaha Sirdoonka xiligii dawlada Daahir Rayaale, balse Madaxweyne Siilaanyo ayaa u magcaabay Taliyaha Sirdoonka Somaliland markii uu ku guulaystay doorashadii 26 Jun 2010. laakiin dhawr bilood kadib badhtamihii November 2010 ayuu xilka iska casilay, taas oo shaki iyo dareen ku abuurtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo rayal caamka Bulshada.

si kastaba ha ahaatee Maareeyaha Wadooyinka ee xilka Madaxweyne Siilaanyo ka qaaday, waxay dadka u dhuun daloola masuuliyiinta xukuumadda Siilaanyo ku tilmaameen xil ka qaadistiisa mid muujinay inuu Madaxweyne Siilaanyo hada fahmay mushkilada ku xeeran ee cabsida gelisay wadamada reer galbeedka, taas oo jawaab u ah dhawaaqyada dublamaasiyadeed ee ka imanaya dalalka galbeedka iyo inay xilka qaadista Maareeyihii hore ee wadooyinku albaabka u furay inuu madaxweyne Siilaanyo iska fogeeyo kooxda afduubka ku haysata talada iyo awooda dalka oo Maareeyaha Wadooyinku ka mid ahaa, kuwaas oo Madaxweyne Siilaanyo irmaanta qaaday, isla markaana la filayo inay daaqada ka wada baxaan hada wixii ka danbeeya, iyadoo gacan ka hadalka sababay xadhiga Taliyihii hore ee sirdoonkana lala xidhiidhinayo xoggo iyo macluumaad uu bixiyay inay hada galaafan doonaan kooxdaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *